Ciidamada kaydka ee Israel ayaan si sax ah uga jawaabeen farriimaha ay ka helayaan Taliska Militariga, ee loogu sheegayo in ay shaqada ku soo laabtaan, si guluf ballaaran loogu qaado waqooyiga Marinka Gaza.
Taliska Militariga ayaa 29-kii bishii August ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza, laakiin uu saacado ka dib fashilmay hawlgalkaasi, ka gadaal markii ciidamadoodu uu dagaal culus ku qabsaday xaafadaha Zaytun iyo Sabra oo ka mid ah xaafadaha ku yaala magaaladaasi, keentayna in ciidamada lagu celiyo barrihii ay ka soo duuleen.
Taliska Militariga Israel ayaa intaasi ka dib u jeedsaday in loo ciidamo badsado Xoogaga Xamaas ee difaacaya magaaladaasi, iyagoona u yeeray lixdan kun oo ka mid ah ciidamadooda kaydka.
Ka hor inta aan Ciidanka Difaaca Israel lagu soo jebin duulaankoodii Magaalada Gaza ayaa waxaa socday farriimaha loogu yeerayo ciidamada kaydka, iyadoo loo marsiinayo qalabka Warbaahinta, laguna dabaqayo qaybaha ay ka tirsan yihiin.
Ka dib hawlgalkii fashilmay ee Magaaada Gaza, taliska ayaa bilaabay askarta kaydka ah ee loo baahan yahay in si toos ah farriimaha ogeysiiska loogu diro teleefanadooda gacanta iyo ciwaanada guryahooda, balse ay codsigaasi ka soo jawaabeen ciidamo yar.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Saraakiisha Militariga ay xitaa askartaasi ka raadiyeen guryihii lagu ogaa inay degan yihiin, laakiin ay ku kadsoomeen in ay ka guureen.
Wargeyska Maarif ee Israel ayaa daabacay in ciidamadu ay ka baxsanayaan inay ka dagaalamayaan Marinka Gaza, sababtu tahay iyagoo dagaalkan u arka mid aan u adeegeen danaha Israel.
Wargeyska ayaa ku waramay in ciidamadu qaarkood ay u guureen magaalooyinka aan laga garaneyn, qaar kalena ay kor horeba dalka isaga baxeen.
Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir oo cadaadis uu ka haysto Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa wada qorshe uu dagaalka dib ugu soo celinayo guutooyinkii dhawaan fasaxa galay, si loo daboolo baahida ciidan ee jirta.
Wararka ayaa sheegaya in ciidan xoog leh ay hadda ku diyaarsan yihiin xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo la doonayo in mar kale laga soo weeraro Magaalada Gaza.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu arkayaa deegaanada koonfurta Israel ee xadka la leh Magaalada Gaza, isla-markaana ay diyaargarow ugu jiraan, sidii ay u weerari lahaayeen magaaladaasi.
Saraakiisha Militariga Israel ee shaqada ka fariistay ayaa sheegaya in aan wax bedel ahi loo hayn, haddii askarta hadda loo wado Gaza ay qaarkood ku dhintaan amaba ku dhaawacmaan dagaalka.
General Itzhak Brik oo hawlgab ka noqday ciidamada ayaa sheegay in dagaalka Gaza ka hor ay Israel lahayd ciidan xoog badan, laakiin maanta ay qarka u saaran tahay burbur ciidan.
General Brik ayaa ku taliyay in Israel ay u baahan tahay in ay iska joojiso dagaalkan, si dib u dhis loogu sameeyo buu yiri ciidamada, isagoona dowladda uga digay inay ku madax adeygto sii socoshada dagaalka aan natiijada lahayn.
Jananka ayaa maqaal uu qoray ku sheegay in ay tahay in Israel la badbaadiyo, ka hor inta aysan xaaladdu gaarin meel aan waxba laga qaban karin.
Madaxda Israel ayaa hoos u dhigaya baaqyada caalamiga ah ee lagaga dalbanayo in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, iyagoo xitaa iska indha tiraya culeyska ka haysto gudaha ee ku aaddan in la dhameeyo dagaalkan, si maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza loo soo sii daayo.
Madaxda Israel aya ku adkeysanaya mowqifkooda ah in ay sii wadayaan dagaalka, illaa iyo inta laga adkaanayo Ururka Xamaas ee maamula Marinka Gaza.
Raysal Wasaare Netanyahu oo dagaalkan ku ilaashanaya kursigiisa ayaa ku goodiyay in la fulinayo go’aankii 8-dii August ka soo baxay Golaha Wasiirada ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza, isla-markaana amniga Marinka Gaza lagu hoos keenayo Israel.
Israel ayaa la rafaneysa, sidii ay u xaqiijin lahayd ujeedooyinkii ay ugu duushay Marinka Gaza, oo kala ah burburinta Xamaas, dib u soo celinta maxaabiista iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar ku noqonin amniga Israel.
Dagaalka Gaza ayaa noqonaya kiisii ugu qaraaraa ee Israel ka gasho Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda oo laga joogo ku dhawaad 80 sano.