Home Wararka Maanta NISA oo sheegtay in la weeraray xarun ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab

NISA oo sheegtay in la weeraray xarun ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in la beegsaday xarun ay ku sugnaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, iyadoo daba joogto duqayntii xalay laga fuliyay deegaanka Show oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ayay Hay’adda NISA sheegtay in sidoo kale lagu dilay ku dhawaad 10 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

NISA ayaa waxay sheegtay in hawlgalka lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Hirshabelle iyo saraakiil kale, oo ay ka mid yihiin horjooge ay magaciisa ku soo koobtay Cusaam oo ka tirsanaa qaybta maaliyadda iyo laba horjooge oo kale, kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegtay Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.

“Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhawaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ay NISA soo saartay.

Warka ayaa intaasi ku daray “Hawlgalkan ayaa qayb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Somaliya, oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay ku dabar-goyneyso cadowga Khawaarijta ah.”

Dhanka kale waxaa xusid mudan in NISA ay xalay Madaxa Amniyaadka Al Shabaab ee Hirshabelle ay magaciisa ku sheegtay Xuseen Cabdullaahi Dalab (Caamir), halka warbixintan dambe ay gelinkii dambe ee maanta soo saartay ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Xasan Cumar.

NISA ayaa ah isha ugu weyn ee laga raadraaco xogaha horjoogeyaasha Shabaabka ee la doon-doonayo, inkastoo mararka qaarkood ay wax khaldami karaan, sababtoo ah Shabaabka oo magacyada bedesha.

Xubnaha Shabaabka ayaa ururka ku jooga magacyo aan ahaan kuwoodii saxda ahaa ee loo garanayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc