Saraakiisha Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada ku taala waqooyiga dalka Yemen ayaa la sheegay in ay bilaabeen inay isaga taggaan magaaladaasi, ka dib duqayntii ay Israel toddobaadkii hore ka fulisay magaalada.
Wargeyska Asharq Al Awsat ayaa ku waramay in Saraakiisha Xuutiyiinta ee ka hawlgala Magaalada Sanca ay soo wajahday xaalad jahwareer iyo argagax aan horey loo arag, ka dib duqayntii ugu dambeysay ay Israel ku dishay xubno ka mid ah saraakiishooda.
Wargeyska ayaa qoray in dhowr ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xuutiyiinta ay gaareen dhulka miyiga ee waqooyiga Yemen, sidoo kalena xubnaha qoysaskooda la geeyay goobo ammaan ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xuutiyiinta ay soo saareen digniin ay dhammaan saraakiishooda kale ugu sheegayaan in aysan isticmaalin xarumaha maamulka amaba aysan ku kulmin goobaha caamka ah, si uusan cadowgu u beegsan.
Israe Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa isna sheegay in Saraakiisha Xuutiyiinta ay ka cararayaan Magaalada Sanca, ka dib duqayntii ay Khamiistii ku dileen Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.
Al Rahawi ayaa Raysal Wasaare ka ahaa dhulka ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalka Yemen, waxaana isaga iyo masuuliyiinta kale 28-kii bishii August lagu dilay weerar xagga cirka oo Israel ka gaysatay Caasimadda Yemen ee Sanca.
“Hoggaanka Xuutiyiinta ee haray ayaa ka baxsanaya Sanca. Sida dhammaan hoggaamiyeyaasha argagixisada Islaamiyiinta ee xagjirka ah ayay is daryeelaan oo ka dhex baxayaaan dadka.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Katz ayaa ku celiyay digniintiisa uu Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta uga digayo inay sii wadaan weerarada ay ku hayaan Israel iyo danaheeda gobolka.
Wasiirka ayaa Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta ka dalbaday inay joojiyaan gardarrada uu sheegay in ay ku hayaan Israel, ka hor inta aan sidaan oo kale mar kale loo beegsan.
Ciidanka Cirka Israel ayaa la sheegay inay garaaceen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Sanca, ka dib toddobaadyo la uruurinayay xogo sirdoon oo keentay in markii dambe lagu hawlgalo.
Raadiyaha Israel ee KAN ayaa baahiyay in hawlgalka ay ku lug lahaayeen 200 oo shaqaale sirdoon ah, kuwaas oo ka shaqeynayay meelo qarsoodi ah.
Raadiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wakiilo ka socday Taliska Dhexe ee Mareykanka ay qayb ka ahaayeen uruurinta xogaha sirdoon.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee Israel ku disho xubno ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta, ka dib 13 bilood oo duqaymo ay ka gaysaneysay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalkaasi.
Israel ayaa bishii July ee sanadkii 2024 bilowday inay duqayso bartilmaameedyada Xuutiyiinta, si ay uga jawaabto weerarada ay garab istaaga ugu muujiyaan Falastiiniyiinta Gaza.