Home Dhacdooyin Israel oo weerar cir, dhul iyo bad ku qaadday Magaalada Gaza

Israel oo weerar cir, dhul iyo bad ku qaadday Magaalada Gaza

by Laacib

Kumanaan ka mid ah Ciidamada Israel oo wata taangiyo fara-badan ayaa weerar ballaaran ku qaaday Magaalada Gaza ee ku taala waqooyiga Gaza, iyagoo ka soo gudbaya xadka ay deegaanada koonfurta Israel la wadaagaan magaladaasi.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee hawlgalka, ka gadaal markii ay toddobaadkii hore ku guuldareysteen guluf ay sidaan oo kale ugu qaadeen magaaladaasi oo dib ciidamadooda looga soo riixay xaafado ka mid ah magaaladaasi oo ay galeen.

Israe Katz ayaa sheegay in hawlgalkan oo ay ku magacaabeen Gideon Chariots 2 ay ku qabsanayaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii August ansixiyay qorshe Magaalada Gaza loogu soo darayo dhulka Israel, isla-markaana amniga Marinka Gaza lagu hoos keenayo Israel, waana waxa uu hadda fulinayo militariga.

Taliska Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay in boqolkiiba afartan (40%) ay hadda gacanta ku hayaan Magaalada Gaza, isla-markaana ay hawlgalka ballaarin doonaan maalmaha soo socda.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Israel oo lagu magacaabo General Effie Defrin ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gudaha ugu jiraan xaafadaha Zaytun (Zaytoun) iyo Sheikh Radwan.

“Waxaan sii wadaynaa inaan dhaawacno kaabeyaasha dhaqaalaha Xamaas. Maanta waxaan haynaa 40% dhulka Magaalada Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.

“Hawlgalku wuxuu ahaan doonnaa mid sii socda oo la ballaarin doono maalmaha soo socda.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray “Meel walba ayaan uga daba tagi doonnaa Xamaas, wuxuuna hawlgalka dhammaan doonnaa marka la soo celiyo maxaabiista, meeshana laga saaro xukunka Xamaas.”

Duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ayaa dad fara-badan ku khasbay in ay ka qaxaan magaalada, halka kuwo kalena ay diideen amarada militariga ee lagu barakacinayo.

Ciidanka Cirka Israel ayaa si waali ah u burburinaya guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka ee magaaladaasi.

Sidoo kale maraakiibta dagaalka Israel ee ku sugan xeebaha Marinka Gaza ayaa door weyn ka qaadanaya ololaha militari ee lagu burburinayo guryaha shacabka iyo dhismayaasha danta guud.

Khubarada militariga ayaa sheegaya in waxa hadafka looga dhiganayo burburinta dhismayaasha ay tahay cabsi ay Israel ka qabto in Xamaas ay ka soo toogan karto askarteeda.

Khubaradu waxay sheegayaan in duqaynta ay sidoo kale tahay mid lagu mashquulinayo Xoogaga Xamaas, si ay Ciidamada Israel fursad ugu helaan inay si qoto dheer isugu fidiyaan magaalada.

Wasiir Katz ayaa ku hanjabay inay dhulka la simi doonaan magaaladan, haddii aysan Xamaas ogolaanin shuruudaha Israel ee lagu joojin karo dagaalkan, oo ay ku jiraan inay is dhiibto iyo inay maxaabiista Israeliyiinta sii daayaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay tobanaan qof oo dad rayid ah ku dileen magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Afhayeen u hadashay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Carruurta (UNICEF) oo lagu magacaabo Tess Ingram ayaa Israel ku eedeysay in ay magaalada ka dhigeyso meel aan lagu noolaan karin oo xabaalo ah.

Dhanka kale Ciidamada Israel ee magaalada ka soo weeraray jihooyinka bariga iyo koonfurta ayaa ku sii guurguuranaya bartamaha magaalada.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo uu qorshahoodu yahay in ay isku xirmaan min bartamaha illaa darafyada magaalada, isla-markaana ay qaybahooda ugu badan ay xoogga saari doonaan xaafadaha Tuffah, Shejaia, Sabra, Zeitoun, Al-Nasr, Al-Saftawi iyo Sheikh Radwan.

Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dalbaday in xukun militari lagu soo rogo Magaalada Gaza, taas oo uu ogolaaday Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa diiday inuu maqlo baaqyadii caalamiga ee loogu jeedinayay in ay ka laabtaan hawlgalka militari ee magaalada loogu soo darayo dhulka Israel iyo in aysan uga sii darin xaaladda aadka u liidato ee bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Netanyahu oo gadaal ay ka taagan yihiin Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela dowladdiisa ayaa amray in la weeraro magaaladan, iyadoo ay dadku gaajo iyo dawo la’aan ugu dhimanayaan gudaha Gaza.

Kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaan geli karin qaybaha Gaza, haddii aysan damaanad amni ka haysan Israel, isla-markaana la duqayn doono, sidii marar badanba dhacday.

Diblomaasiyiinta shisheeye ayaa qaba in duulaanka cusub ee lagu qaaday Magaalada Gaza uu ka sii carreysiin doono bulshada caalamka, isla-markaana ay keeni doonto in dalal hor leh oo xulafo la ahaa ay ka taggaan amaba inay dib u eegaan xiriirkooda.

Netanyahu ayaa duulaankan ku raali gelinaya Wasiirada midigta fog ee shuraakada kula ah dowladda uu madaxda ka yahay, kuwaas oo mar walba ugu hanjabaya inay ka bixi doonaan oo ay ridi doonaan dowladdiisa, haddii uusan u hoggaansamin rabitaankooda ah in la sii wado dagaalka iyo gaajeysiinta dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc