Ururka Hooyooyinka Jarmalka ee ka tirsan Dalladda Ururada Qoyska ee AGF ayaa dowladda dalkaasi ka dalbaday inay tallaabo ka qaaddo Israel, haddii ay dunida ka hortaagan tahay in ay wax ka qabato xaaladda bani’aadantinimo ee aadka looga walaaco ee ka jirta Marinka Gaza.
Hooyooyinkan ayaa ku bannaanbaxay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Berlin, iyagoona dowladda ugu baaqay inay go’aan adag ka qaadato Israel, isla-markaana ay xiriirka u jarto.
Hooyooyinkan ayaa sheegaya inaanan loo dulqaadan karin in ay sii socoto masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee ay Israel ka masuulka tahay.
Ururka Hooyooyinka ayaa dhalleeceeyay aamusnaanta Raysal Wasaare Friedrich Merz iyo ficil la’aantiisa falalka argagaxa leh ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Bayaan ay soo saareen ayay ku booriyeen Hoggaamiyaha Jarmalka in uu dareemo walaacooda, isla-markaana uu qaado tallaabooyin ay ka mid yihiin in Berlin ay gebi ahaanba joojiso hubka ay u dhoofiso Israel iyo in uu ka shaqeeyo, sidii loo go’doomin lahaa, iyadoo markaasi meesha laga saarayo xiriirka iskaashiga ee Midowga Yurub iyo Israel.
Jarmalka waa dalka ugu dhaqaalaha badan ee Yurub iyo Midowga Yurub, saamaynta ay leeyihiina waxay hooyooyinku u arkaan mid lagu ciqaabi karo Israel.
Dhanka kale hooyooyinka ayaa dowladda ugu baaqay inay ilaaliso xuquuqda xorriyadda ee mudaaharaadyada Jarmalka ee lagu diidan yahay dembiyada Israel, isla-markaana lagu taageerayo qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta.
Warbaahinta DW (Deutsche Welle) ee Dowladda Jarmalka ay maalgeliso ayaa ku warantay in inta badan shacabka dalkaasi ay aaminsan yihiin in waxa ay Israel ka waddo Gaza aysan xaq ahayn, ra’yi uruurinta la sameeyayna ay muujineyso inay sidaasi dareemayeen muddo sanad ka badan.
Deutsche Welle ayaa sheegeysa in carrada shacabka ay ku sii baaheyso Yurub oo dhan, isla-markaana dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay badankoodu doonayaan in Israel lagu cunaqabateeyo habdhaqankeeda Gaza.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub oo daba-yaaqadii bishii August ku kulmay Magaalada Copenhagen ayaa aqlabiyaddooda waxay taageereen in cunaqabateyno lagu soo rogo Israel.
Dalal ay ka mid yihiin Denmark, Faransiiska, Spain, Ireland, Slovenia, Belgium, Netherlands iyo Sweden ayaa taageeray in la go’doomiyo Israel, halka Jarmalka, Austria, Talyaaniga, Hungary iyo Czech Republic ay ka caga jiideen.
Dowladda Jarmalka ayaa muddo dheer masuuliyad iska saareysay taageerada iyo amniga Israel, si uu qaranku isaga dhaqo taariikhda xun ee ka raacday xasuuqii uu Naasigii Jarmalka u gaystay dadka Yahuudda, intii uu socday dagaalkii 2aad ee adduunka.
Hase yeeshee shacabka dalkaasi ayaan ka waaban inay muujiyaan, sida ay uga gubanayaan ciqaab la’aanta ku aaddan ciqaab wadareedka ay Israel ku hayso maatida Gaza ee leh carruurta, haweenka, dadka da’da iyo kuwa naafada ahba.
Jarmalka waxaa lagu sheegaa xulafada ugu weyn Israel ee Yurub, kaasoo tobanaan sano siinayay kaalmada ugu badan ee militari ee ay Israel ka hesho Yurub.
Friedrich Merz, Raysal Wasaaraha Jarmalka ayaa bishii Augsut ku hanjabay in ay hubka ka ka joojin doonaan Israel, haddii ay ka laaban waayaan go’aanka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee lagu la wareegayo Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul oo khadka teleefanka kula xiriiray dhiggiisa Israel Gideon Sa’ar ayaa ugu yeeray in ay ka tanaasulaan duulaanka ay ku qabsanayaan Magaalada Gaza, looguna soo darayo dhulka Israel, laakiin Tel Aviv maysan taageerin soo jeedintooda, saacado ka dibna waxayba ciidamadeedu ay weerar ballaaran ku qaadeen magaaladaasi, iyaga oo fulinaya go’aankii Golaha Wasiirada.
Waxay ahayd wax ay dadku filayeen in Madaxda Israel aysan xushmeyn doonin farriimaha uga imanaya xulafadooda labaad ee ugu muhiimsan dibadda.
Mareykanka oo ah xulafada koowaad ee Israel ayaa ninka hoggaamiya waa Donald Trump’e ku taageeraya wax kastoo ay sameynayso, waana xilli shacabkiisa ay ka soo horjeedaan inaanan lala xisaabtamin.
Hoggaamiyaha Jarmalka iyo kuwa kale ee Yurub ayaa la eegaya waxa uu go’aankoodu noqon doono, si ay uga falceliyaan ku tumashadeeda shuruucda caalamiga ah.