Home Wararka Caalamka Israel oo burburisay dhismaha Mushtaha Tower ee Gaza (SAWIRRO)

Israel oo burburisay dhismaha Mushtaha Tower ee Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa dhulka la simay dhismaha dheer ee Mushtaha Tower ee Marinka Gaza, ka dib duqayn culus oo ay ku garaaceen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Jimcahan beegsaday dhismaha Mushtaha Tower oo ku yiilay galbeedka Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Magaaladan oo ugu weyn Marinka Gaza ayaa wajaheysa duulaan ballaaran oo cir, dhul iyo badba leh, waana qorshaha militari ay Israel dooneyso in ay kula wareegto magaaladaasi oo dhulkeeda ay ku darsato.

Dhismaha la burburiyay oo 12 dabaq ahaa ayaa u dhow teendhooyin kol hore dib u dejin loogu sameeyay qoysaska barakacayaasha, si halkaasi ay gabaad uga dhigtaan, oo aan loo bartilmaameedsan.

Muuqaalada ay Warbaahinta aragtay ayaa muujinaya dad ay ku jiraan dumar iyo carruur ka baxsanaya goobta, iyadoo ay uuro dabooshay teendhooyinkii ay dadkaasi deganaayeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Israel ay dhowr gantaal oo kala dambeeyay ku garaacday dhismahaasi, illaa uu dambas ka noqday.

Militariga Israel ayaa sheegay in Mushtaha Tower uu ahaa dhisme ay leedahay Xamaas, waxayna mar kale shacabka ugu yeereen in ay aaggaasi banneeyaan.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ka hor uu militarigu amar ku bixiyay dadkii ku sugnaa daarta dheer ee Mushtaha in ay ka baxaan, ka dibna ay weerareen dhismahaasi.

Militariga Israel ayaa ku andacooday in dhismahan loo adeegsaday qorsheynta iyo fulinta weeraro ka dhan ah Ciidamada Israel, iyagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in uu sii socon doono hawlgalka ballaaran ee lagu burburinayo dhismayaasha ku yaala magaaladaasi, iyagoo culeys ku saaraya Ururka Xamaas, si ay u sii daayaan maxaabiista iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo.

“Hadda waxaa boorka laga jafayaa irdaha cadaabta ee Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka oo xusay “Marka albaabku furmo, ma xirmi doono, dhaqdhaqaaqa Ciidanka Difaaca Israel wuu kordhi doonnaa, illaa gacan ku dhiigleyaasha Xamaas ay aqbalaan shuruudaha Israel ee lagu joojinayo dagaalka, ugu horreyna ay sii daayaan dhammaan la haysteyaasha, ka dibna in hub ka dhigis lagu sameeyo, haddii kale waa la burburin doonnaa.”

Taliska Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in maalmaha soo socda ay weerari doonaan dhismayaasha magaalada ee loo bedelay, waxa ay ku sheegeen kaabeyaasha argagixisada.

Taliska ayaa sheegay in tani ay ku xaqiijinayaan badqabka ciidamadooda, si ay amni ugu gaaraan dhulka harsan magaalada ee aysan weli cagta dhigin.

Israel ayaa goor sii horreysay sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku hayaan boqolkiiba afartan (40%) ee magaalada, hawlgalkuna uu xoogeysan doono maalmaha ina soo aaddan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc