Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka burburinta ee Israel ka waddo Gaza (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka burburinta ee Israel ka waddo Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Ugu yaraan 45 qof ayaa Sabtidan lagu dilay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, xilli ay Ciidamada Israel sii wadaan ololaha ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa lagu laayay duqayn cirka ah oo Israel ay ku garaacday dhisme la deganaa oo ku yaala xaafadda Sheikh Radwan oo ku yaala waqooyi galbeed ee Magaalada Gaza.

Dhismaha la beegsaday oo saaran Waddada Jalaa ee xaafaddaasi ayaa waxaa leh qoyska Abu Tayeh. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kaloo fara-badan, iyadoona ay jiraan dad la la’yahay, sida ay ku warantay Warbaahinta Falastiiniyiinta.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka Israel ay garaaceen daarta dheer ee Al-Susi (Soussi) Tower ee magaaladaasi, saacad uun ka dib, markii qoysaska baracayaasha ee deganaa ay Israel ku amartay in ay isaga guuraan.

Dhismahan ayaa ahaa mid ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer ee haray ee ku yaala Marinka Gaza, waxaana muddooyinkan gabaadsanayay qoysaska barakacayaasha ee horey looga soo raray guryahooda.

Ciidamada Israel ayaa duqayn kale ku burburiyay dhismaha Al-Ru’ya, ka gadaal markii ay barakacayaasha ku wargeliyeen in ay banneeyaan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Xamaas ay dhismayaashan u adeegsaneysay hawlgaladeeda, taas oo Xamaas ay si adag u beenisay.

Tani waa qorshe guud oo Israel ay ku burburineyso magaalada, sida uu sheegay Ezzat Al Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

Militariga Israel ayaa mararka qaarkood soo saaraya awaamiir si khasab ah barakacayaasha looga rarayo meelaha ay ogyihiin in ay degan yihiin, oo ay ku jiraan guryaha teendhooyinka ka sameysan ee ay badbaadada ugu nool yihiin.

Militariga ayaa shacabka faraya in ay isaga baxaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, isla-markaana ay taggaan deegaanada ku yaala koonfurta Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si gaar ah u burburinaya guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka ee magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii bishii hore ee August ansixiyay qorshe militari oo lagu la wareegayo Magaalada Gaza, oo ay go’aamiyeen in lagu soo daro dhulka Israel iyo in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadu ay fulinayaan go’aamadii Golaha Wasiirada, isla-markaana uu hawlgalku sii socon doono.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay hawlgalkan oo Israel ay ku magacawday Gideon Chariots 2.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc