Home Dhacdooyin Duufaanta siyaasadeed ee ka socoto reer galbeedka oo walaac ku haysa Israel

Duufaanta siyaasadeed ee ka socoto reer galbeedka oo walaac ku haysa Israel

by Laacib

Israel ayaa halgan ugu jirta, sidii ay u fashilin lahayd culeyska siyaasadeed ee ka soo fuulay dalalka reer galbeedka ee haya waddada lagu aqoonsanayo Dowladda Falastiin.

Madaxda iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa isku dayaya in ay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ku qanciyaan in aysan bishan September aqoonsan Dowladnimada Falastiin, taas oo aan la garaeyn sida ay ku suurtageli karto, marka aad eegto cadaadiska sii kordhaya ee hoggaamiyeyaashaasi ka haysta shacabkooda.

Saraakiisha Safaaradaha Israel ee dalalka reer galbeedka ayaa joogteynaya xiriiradooda dowladahaasi, iyagoo kaga digaya cawaaqibka ay leedahay, haddii ay ku dhiiradaan inay aqoonsadaan Falastiin. Tel Aviv ayaa ka digeysa in dalalkaasi ay burburiyaan Dowladda Yahuudda ay gacantooda ku dhiseen.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo qorsheynaya in toddobaadka soo socdo uu booqdo dalka Ingiriiska ayaa buuq ka dhaliyay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Commons ay Raysal Wasaare Keir Starmer iyo xubnaha kale ee Golaha Wasiirada ugu baaqeen inaysan qaabilin, marka Herzog ay booqashada labada maalmood ah uga bilaabato dalka.

221 Xildhibaan oo ka kala socda sagaal xisbi siyaasadeed oo 131 ka mid ah ay yihiin Xildhibaanada Xisbiga Shaqaalaha ee Raysal Wasaare Starmer uu hoggaamiyo ayaa u ololeynaya in UK ay bedesho mowqifkeedii taageerada Israel, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo xoogga ay ku haysato dhulka kale ee Falastiiniyiinta.

Starmer ayaa illaa iyo hadda ka fiirsanaya tallaabada ay dowladdiisu ka qaadi karto Israel, ka dib markii ay maqli weyday digniintiisii bishii July ee ahayd in London ay bishan September aqoonsan doonto Dowladda Falastiin, haddii aysan Israel ogolaanin shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo dagaalka Gaza, in la qaado xanibaadaha gargaarka bani’aadantinimo, si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Gaza ka taagan iyo inay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbeed, isla-markaana aysan la iman rabitaan ku aaddan nabadda mustaqbalka fog.

Starmer ayay tahay in uu qaato go’aan qaraar, isagoo ka jawaabaya arrimaha isku dhafan ee horyaala, haddii uu u dhaqaaqi lahaa aqoonsiga Falastiin iyo haddii uu sii wadi lahaa taageeradiisa Israel, taasna aysan u wanaagsaneyn mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dalka.

Bulshada caalamka ayaa u degdegeysa shirka laba toddobaad ka dib ay leeyihiin Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, halkaas oo la filayo in tiro dowlado ahi ay kaga dhawaaqaan aqoonsiga Falastiin.

Dowladaha Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa ka shaqeynaya, sidii dalalka aan horey u aqoonsan Falastiin ay u aqoonsan lahaayeen, si loo xaqiijiyo xalka laba dal oo Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ay leeyihiin, isla-markaana si nabad ah ugu wada nool Gobolka Bariga Dhexe.

Riyadh iyo Paris ayaa dalalka Qaramada Midoobey ugu baaqay inay taageeraan baaqa qeexaya tallaabooyin la taaban karo, waqti ku xiran, isla-markaana aan laga laaban karin oo ku aaddan hirgelinta xalka laba dowladood ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Elina Valtonen ayaa Jimcihii bogaadisay habka ay labadaasi dowladood u hoggaaminayaan arrintan, waxayna ku sheegtay dadaalkii ugu heerka sarreyay ee caalami ah muddo sanado ah, si loo abuuro bay tiri shuruudo xal laba dowladood ah.

Dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa la filayaa in bishan ay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.

Faransiiska, Malta, Belgium, Canada iyo Australia ayaa waxay xaqiijiyeen in daba-yaaqada bishan ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga Dowlad Falastiini ah.

Ingiriiska, Portugal iyo Finland ayaa aad ugu dhow in iyana ay aqoonsadaan dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.

Yurub ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo lagu taageerayo qaddiyadda qaranimada Falastiin, waxaana suurtagal ah in dalal hor leh ay ku biiraan duufaantan siyaasadeed oo dad badani ay ku sheegeen mid caddaalad ah.

Dhaqdhaqaaqyadan ka socdo Yurub ayaa madax xanuun ku riday Israel, maadaama ay fahamsan tahay in ay ka sii go’doomineyso dunida. Dowladda keliya ee ay dadka Yahuudda leeyihiin ayaan aad looga jecleyn dunida, sababtoo ah habdhaqankeeda guracan oo la diiday.

Dunida ayaa xalka labada dowladood u aragta kan qura ee lagu soo afjari karo colaadda Bariga Dhexe, laakiin Israel waxay u aragtaa dhammaadkeeda.

Jarmalka oo ah xulafada ugu weyn Israel ee Yurub iyo Midowga Yurub ayaa xitaa taageeray xalka labada dowladood, inkastoo aanu xaqiijin inuu aqoonsanayo Falastiin.

Siyaasiyiinta Israel ayaa ku andacoonaya in yegleelidda Dowladda Falastiin ay khatar ku tahay jiritaanka Israel, isla-markaana ay keeneyso inay dowladdoodu burburto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc