Lix qof oo Israeli ah ayaa lagu dilay toogasho maanta ka dhacday Magaalada Qudus (Jerusalem), tiro kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegeen Booliska Israel.
Laba nin oo Falastiini ah ayaa weeraray rakaab la socday gaari bas ah, xilli uu gaarigu soo gaaray aagga boosteejo basaska laga raaco oo ku taala magaaladaasi.
Muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya daraasiin dad ah oo ka cararaya boosteejada basaska, xilli uu mashquul badani ka jiray goobta.
Kooxaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa sheegay in ay taggeen goobta oo xaaladdu ay aad u kacsan tahay, iyadoo dad dhaawac ah oo miir daboolana ay yaallaan waddada u dhow boosteejada baska.
Warbaahinta ayaa lala wadaagay in weerarka ay ku dhaawacmeen illaa 15 qof, kuwaas oo lix ka mid ah la sheegay in xaaladdoodu ay garaab tahay, ka dib markii raggii weerarka gaystay ay fuuleen baska, isla-markaana ay rasaas ku fureen, markii ay gaareen isgoys weyn oo laga soo waqooyiga Magaalada Qudus, oo ku yaala waddo aadda deegaanada Yahuudda la dejiyay ee bariga magaalada.
Booliska Israel ayaa sheegay in la toogtay labadii nin ee weerarkaasi soo qaaday.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa booqday goobta uu weerarku ka dhacay, isagoo qiimeynaya sida ay wax u dhaceen.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii lagu dilay weerarka, wuxuuna sheegay in Israel ay ku jirto dagaal xoogan oo ka dhan ah argagixisada, isla-markaana dhinacyo badan leh, sida uu yiri.
Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda hawlgalo ka wadaan deegaanada ay ka yimaadeen ragga weerarka gaystay, isla-markaana ay heli doonaan cid kasta oo ka caawisay weerarka.
Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu yahay natiijada ka dhalatay xadgudubyada soo noqnoqday ee ay Israeliyiinta xagjirka ah ka gaysanayaan Masjidka barakaysan ee Al Aqsa, taas oo Netanyahu iyo Wasiirkiisa Amniga ee midigta fogta, Itamar Ben-Gvir ay indhaha iska tirayaan.
Ben-Gvir ayaa lagu sheegaa in uu madax u yahay kuwa soo qaban-qaabiya isku imaatinimada ay Israeliyiintu gudaha ugu galaan masaajidkaasi.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse Ururada Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa bogaadiyay weerarka.