Home Wararka Caalamka Spain oo cunaqabateyn dhinaca hubka ku soo rogtay Israel iyo cunaqabateyno kale

Spain oo cunaqabateyn dhinaca hubka ku soo rogtay Israel iyo cunaqabateyno kale

by Laacib

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Israel ku dhalleeceeyay inay leyso shacabka aan is difaaci karin, taas oo uu sheegay inaysan ka aamusnaan doonin, ka dowlad ahaanba ay u ciqaabi doonaan.

Raysal Wasaaraha Spain ayaa si adag u cambaareeyay habdhaqanka Israel ee Marinka Gaza, isagoona Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay dabar-goyneyso dadka rayidka ah ee aan is difaaci karin.

Isagoo tusaaleynaya ayaa wuxuu sheegay in Israel ay duqayso isbitaalada, isla-markaana ay wiilasha iyo gabdhaha reer Gaza ay u dileyso gaajeysiinta ay ku hayso, iyagoo wax ay galabsadeen aanay jirin.

Hoggaamiyaha Spain ayaa sheegay in iyadoo Madrid ay taageerto xuquuqda Israel ee jiritaankeeda iyo inay is difaacdo, haddana wuxuu sheegay inaysan ka joogsan karin in ay isku dayaan inay ka joojiyaan xasuuqa ay gaysaneyso.

“Ilaalinta dalkaaga iyo dadkaaga waa hal shay, laakiin in la duqeeyo isbitaalada iyo in wiilasha iyo gabdhaha aan waxba galabsan gaajo loo dilo, waa shay kale.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Spain.

Waxa kaloo uu yiri “Waxa uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu soo bandhigay bishii October 2023, oo ah hawlgal militari oo looga jawaabayo weerarada argagixisada ee argagaxa leh, waxay ku dhammaatay inay noqoto mowjad cusub oo shaqo sharci darro ah iyo weerar aan cudurdaar lahayn oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Falastiin, oo ah weerar uu Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey iyo khubarada intooda badani ay horeba ugu tilmaameen xasuuq.”

Waxa uu xusay in tirada faraha badan ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo nafaqo darrada shacabka tabaaleysan aysan ahayn is difaacid.

“Taasi ma ahan is difaacid, taasi xitaa ma ahan weerar ee waxay baabi’ineysaa dadka aan is difaaci karin, waxayna jebinaysaa dhammaan xeerarka sharciga bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain ayaa Beesha Caalamka ku dhalleeceeyay, gaar ahaan quwadaha waaweyn oo uu ku cannaantay inay noqdeen naafo, marka ay noqoto ka jawaabidda xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah, isla-markaana ay weli la sii shaqeynayaan Raysal Wasaaraha Israel, bedelkii ay ahayd in dowladdiisa ay tallaabo ka qaadaan.

Raysal Wasaare Sanchez ayaa Isniintan ku dhawaaqay tallaabooyin uu sheegay in loogu talagalay in lagu kordhiyo cadaadiska Netanyahu, si loo soo afjaro buu yiri dagaalka Gaza.

Tallaabooyinkan uu ku dhawaaqay ayaa waxaa ka mid ah in la daba galo dembiileyaasha ku lugta ah xasuuqa ka socdo Gaza, sharci rasmi ah oo mamnuucaya in Israel laga iibin karo dhammaan qalabka militari ee Spain iyo mamnuucidda isticmaalka Dekedaha Spain iyo hawadooda, si looga qaado shidaalka ama hubka Ciidamada Israel.

Sanchez ayaa intaasi ku daray in kuwa ku lugta leh xasuuqa Gaza aan loo ogolaan doonin gudaha Spain, tani oo uu ku sheegay mid qayb ka ah tallaabooyinka ay ku go’doominayaan Israel.

Sanchez ayaa dhinaca kale sheegay in Madrid ay kordhin doonto taageerada gargaarka bani’aadantinimo ee dalkiisu uu siinayo dadka Gaza.

“Waan ogahay in dhammaan tallaabooyinkaas aysan ku filnaan doonin joojinta duulaanka ama dembiyada dagaalka.” Ayuu yiri Sanchez oo hadalkiisa ku xoojiyay “Laakiin waxaan rajeynaynaa inay u adeegi doonaan inay cadaadiska ku kordhiyaan Raysal Wasaare Netanyahu iyo dowladdiisa, si loo yareeyo qaar ka mid ah dhibaatada shacabka Falastiin iyo in la ogeysiiyo dadka Spain in dalkooda uu ku jiray dhinaca midig ee taariikhda, marka ay timaado mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xumaa qarniga 21aad.”

Warka Sanchez ayaa imanaya, xilli Israel ay muddooyinkii u dambeysay ay dowladdiisa ku eedeynaysay in ay waddo weeraro ka dhan ah Tel Aviv.

Sanchez ayaa marar badan fagaareyaasha ka dhalleeceeyay ficilada Israel ee Gaza, isagoona ku sheegay wax aan la aqbali karin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc