Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay nin askari ah, oo lagu helay in uu galabnimadii Axaddii shalay ahayd uu askari kale ku dilay Magaalada Baydhabo.
Askarigan ayaa lagu eedeeyay in askari maxbuus ahaa uu ku dilay Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee magaaladaasi, xilli askarigaasi uu u xirnaa dil la sheegay in isla shalay uu isna askari kale ugu gaystay deegaanka Burjeed ee duleedka Baydhabo.
Garsoorka Maxkamadda Militariga ayaa maanta dedejiyay dhageysiga dacwadda loo haysto askarigaasi. Ka dib caddeymo iyo qiraal, maxkamadda ayaa askarigaasi ku xukuntay xukun dil toogasho ah.
Askariga ayaa Salaaddii Duhur ka dib ee maanta lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Saacado yar ayaana u dhaxeeyay, markii xukunka lagu riday, markii lagu fuliyayba.
“Maxkamadda ayaa ku adkeysatay in fulinta xukunada noocan oo kale ah ay qayb ka tahay dadaalka lagu sugayo anshaxa ciidamada iyo ilaalinta caddaaladda, iyadoo bulshada loogu baaqay in ay ku kalsoonaadaan hay’adaha sharciga ee dalka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Askariga la toogtay ayaa lagu magacabayay Dable Bashiir Macalin Maxamuud, oo lagu helay in uu dilay Ex Dable Cabdiraxmaan Mataan Maxamed, waxayna labaduba ka wada tirsanaayeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Askarigan ayaa la sheegay in uu ka carooday dil uu Ex Dable Cabdiraxmaan Mataan Maxamed u gaystay askari lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ibraahim oo darawal ka ahaa gaari Cabdi Bile ah, kaas oo abti uu u ahaa.
Fagaaraha lagu toogtay Bashiir Macalin Maxamuud ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliye Kuxigeenka Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Dhexe Faysal Cabdullaahi Beene Beene, Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Caddow) iyo Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanan la aqbali karin in qofku uu sharciga gacmaha ku qaato, isagoona dadka reer Koonfur Galbeed uga digay inay dil amaba xadgudub gaysteen.
Maxkamadda Militariga ee Taliska Qaybta 60aad, Maxkamadda Gobolka Baay iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale u dedejiyay fulinta xukuno dil ah, oo lagu fuliyay dad lagu helay in ay dilal ka gaysteen magaaladaasi.