Hal qof ayaa la ogyahay in uu ku dhintay, shan kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miino la dhigay goob ay dadku ku ciyaaraan ciyaarta ay Soomaalidu u taqaano Shaxda ama Jarta, goobtaas oo ku dhow Suuqa Qaadka Qoryooley, iyadoona jugta qaraxaasi laga maqlay saddexda xaafadood degmadaasi ee kala ah Hodan, Wadajir iyo Xalane.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay waqtiga saxmadda duhurka, oo qaadka loogu iibsiga badan yahay.
Ciidamada Militariga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xilliyadaasi aad ugu badan suuqan, lamana sheegin wax askar ah oo wax ku noqday qaraxaasi, sida ay sheegeen laamaha amniga.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Qoryooley, Boorow Cismaan Arbow iyo ciidamo uu horkacayo ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo ka sameeyay hawlgal amni xaqiijin ah.
Lama sheegin cid ay hay’adaha ammaanka u soo qabteen qaraxaasi.
Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa aalaaba gaysta maleeshiyada Al Shabaab.