Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa maanta sheegay in ay aqbaleen hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis isweydaarsiga uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa xalay sheegay in dhawaan la gaari karo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza, haddii Xamaas ay diyaar u tahay in maalinta koowaad ee dhaqangelinta xabad joojinta ay sii deynayso dhammaan maxaabiista Israel, kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Washington ayaa Xamaas ugu baaqay inay aqbasho qodobada heshiiska, inkastoo aanu faah faahin, balse waxa uu Wariyeyaasha u sheegay in si dhakhsa ah ay qodobadaasi u maqli doonaan.
“Israeliyiinta waxay aqbaleen shuruudahayga, waa waqtigii Xamaas ay aqbali lahayd sidoo kale.” Ayuu yiri Trump, isagoo dhanka kalena qoraal uu ku qoray bartiisa Truth Social uga digay Xamaas cawaaqibka ka dhalan kara aqbalid la’aanta.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa Sarkaal Israeli ah ka soo xigatay in hindisaha Trump uu taageerayo in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Marinta Gaza, ka dibna la bilaabo wada hadalo lagu soo afjarayo dagaalkan. Waxa kaloo uu sheegay in hindisaha uu soo jeedinayo in Xamaas ay sii deyso 47 illaa 48 Israeliyiin ah oo gacantooda ku jira, kuwaas oo intooda badan ay dhinteen, isla-markaana ay sii deyso maalinta ugu horreysa ee xabad joojinta. Sarkaalkan ayaa sheegay in wada hadalada looga hadlayo habka lagu dhameynayo dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Isrel oo ka hadlayay shir jaraa’id oo isaga iyo dhiggiisa Hungary, Péter Szijjártó ay ku qabteen Caasimadda Budapest ayaa sheegay in Israel ay aqbashay hindisaha xabad joojinta ee Trump.
Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay heshiis buuxa oo lagu soo afjari doono dagaalka, isla-markaana ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista iyo in Xoogaga Xamaas ay hubka dhigaan.
Xamaas ayaa waxay xalay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay taggaan miiska wada hadalka, wax kastana ay heshiis ka geli karaan, marka laga soo tago in ay hubka dhigto.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ururku uu hubka dhigi doono oo keliya, marka la aasaaso dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Trump ayaa waxaa cad in uu Xamaas ku cadaadinayo inay ogolaato shuruudo u xaglinaya dhinaca Israel, ka hor Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo dalalka reer galbeedka qaarkood ay qorsheynayaan in ay halkaasi kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.
Trump ayaa isku dayaya in uu Israel ka qafiifiyo cadaadiska diblomaasiyadeed ee ka haysta inta badan dalalka Yurub, Canada iyo Australia oo ku riixaya in ay aqbasho xalka laba dal oo deris ah, taasoo aysan Israel ogoleyn.