Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa shacabka Falastiin ugu yeeray inay ka baxaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, xilli ciidamadiisu ay hawlgal ka wadaan.
Raysal Wasaaraha ayaa dadka degan Magaalada Gaza u sheegay inay hadda haystaan fursad ay uga bixi karaan magaaladaasi, ka dib markii Israel ay Isniintii ku dhawaaqday in la sii xoojin doono gulufka lagu hayo magaalada ku taala xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza.
Inkasta oo Ciidamada Israel ay gudaha ugu jiraan meelo yar oo ka mid ah magaalada, haddana waxay si firfircoon uga gaysanayaan duqaymo ballaaran oo lagu burburinayo guryaha la degan yahay iyo dhismayaasha rayidka ee magaaladaasi.
“Waxaan leeyahay dadka degan Gaza si taxadar leh ii dhageysta, waa la idiin digay, hadda ka baxa.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.
Netanyahu ayaa tilmaamay in Ciidamada Israel ay si guud isugu fidinayaan dhammaan xaafadaha magaaladaasi, isla-markaana ay tahay in dadku ay ka guuraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Israel ay xagga cirka si xun uga garaaceyso magaalada, isla-markaana ay soo gelineyso gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa, oo ay ku qarxinayaan dhismayaasha magaaladaasi.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in ay duufaan ku dhufan doonto Magaalada Gaza, isla-markaana saqafka sare ee dhismayaasha magaaladaasina ay ruxmi doonaan, sida uu yiri.
Madaxda Israel ayaa ku hanjabaya in ay laba laabayaan hawlgaladooda magaaladaasi, haddii ay Xamaas aqbali weydo shuruudaha hindisaha xabad joojinta ee uu Axaddii soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump, oo ay ku jiraan sida ay sheegayaan sii deynta dhammaan maxaabiista iyo inay hubka dhigaan.
Saraakiisha Xamaas ayaa laga soo xigtay in ay dersayaan soo jeedintii ugu dambeysay Mareykanka ee xabad joojinta Gaza, iyadoona Trump uu Xamaas uga digay in tani ay noqon doonto fursaddii ugu dambeysay ee ay haystaan.