Home Wararka Caalamka Spain iyo Israel oo meel adag ay ka mareyso

Spain iyo Israel oo meel adag ay ka mareyso

by Laacib

Dowladda Spain ayaa u yeertay Safiirkeedii u joogay Magaalada Tel Aviv, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar uu Spain ku eedeeyay Yahuud naceyb, isagoo daba jooga tallaabooyinkii ay dowladda dalkaasi ku cunaqabateysay Israel.

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Isniintii ku dhawaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin sharci mamnuucaya in gebi ahaanba hubka Spain laga iibiyo Israel iyo in dekedaha iyo hawada dalkaasi ay adeegsan karin maraakiibta iyo diyaaradaha ee shidaalka iyo hubka u wada Ciidamada Israel, si ay Israel uga joojiyaan dadka ay ku leynayso Marinka Gaza, loona baacsado dembiileyaasha ku lugta leh xasuuqa Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in Spain ay tallaabooyinkan u adeegsaneyso, si ay indhaha bulshada uga sii jeediso fadeexadda musuq-maasuq ee soo food saartay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay cunaqabateyn ku soo rogayaan laba ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysal Wasaare Sanchez.

Iyadoo laga jawaabayo eedeymaha Wasiir Gideon Sa’ar ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Spain sheegtay in ay u yeertay Safiirka u jooga Tel Aviv, si wadatashi loola sameeyo.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa diblomaasiyiinta Spain ka soo xigatay in Madrid aysan aqbali karin in la cunaqabateeyo laba ka mid ah Wasiiradeeda isla-markaana ay taasi keeneyso in Spain ay tallaabooyin hor leh qaaddo.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee Madrid iyo Tel Aviv ayaa muujineysa hoos u dhac cusub oo ku yimid xiriirka labada dhinac oo muddooyinkanba sii xumeynayay, iyadoo Dowladda Spain aysan qarsan carradeeda ku aaddan qaabka ay Israel u waddo dagaalkeeda Gaza, oo ay ku sheegtay mid aan la ogolaan karin.

Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain ayaa wajahaya cadaadis xoog leh oo ka haysta gudaha, kaas oo lagu saarayo in si toos ah xiriirka loogu jaro Israel, maadaama aysan ahayn dowlad u hoggaansan shuruucda caalamiga ah.

Raysal Wasaare Sanchez oo hoggaamiya dowlad wadaag ah ayaa culeys kala kulmaya xisbiyada bidixda ee isbahaysiga la ah dowladdiisa.

Spain ayaa bishii May ee sanadkii 2024 ka mid noqotay afar dal oo reer Yurub ah, oo si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Falastiin.

Spain ayaa dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo kuwa kale ee reer galbeedka ka dhex waddo olole ay ku boorineyso in ay aqoonsadaan Falastiin.

Dalalka Faransiiska, Belgium, Malta, Australia iyo Canada ayaa xaqiijiyay in daba-yaaqada bishan ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsigooda Falastiin. Sidoo kale Finland, Ingiriiska iyo Portugal ayaa la filayaa inay tallaabadan oo kale qaadaan.

Dagaalka Gaza ayaa si xun u dhaawacay xiriirkii reer galbeedka iyo Israel, iyadoona markii koowaad taariikhda ay reer galbeedku bedelayaan mowqifkoodii taageerada Israel.

Bulshada reer galbeedka ayaa ka carreysan ficilada Israel ee Gaza iyo is hortaagga ay ku hayso dhismaha dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc