Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in caawa ay kulan degdeg ah ka yeeshaan weerarkii xagga cirka ee Israel ay Talaadadii ku qaadday dalka Qatar.
Dowladda Algeria oo ay taageerayaan Somaliya iyo Pakistan ayaa dalbatay fadhi degdeg ah, oo lagu cambaareynayo Israel, ka dib weerarkeedii lala yaabay ee dalka Qatar.
Saddexda dalba waxay si kulul u cambaareeyeen weerarka Israel ee hadal haynta xoogga leh ka dhaliyay gobolka iyo dunidaba.
Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in Dowladda Algeria ay codsatay in 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ay kulmaan, si Israel loogu muujiyo in ay dunida dhinac ka tahay.
Safiirka Algeria u jooga Qaramada Midoobey, Danjire Amar Bendjama ayaa gadaal ka riixaya in dhammaan xubnaha ay aragti mideysan ka qaataan tallaabooyinka joogtada ah ee ay Israel ku jebineyso sharciyadii dunida kala hagayay.
Israel ayaa duqayn culus ku garaacday Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha, xilli Madaxda Xamaas ay ka wada hadlayeen hindisihii xabad joojinta Gaza ee Madaxweyanaha Mareykanka, Donald Trump uu Axaddii soo jeediyay.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku faraxsaneyn duqaynta ay Israel ka fulisay dalkaasi, isagoona sheegay in go’aankaas uu ahaa mid uu qaatay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, oo isagu aanu waxba ka ogeyn.
Iyadoo isa soo tareyso cambaareynta caalamiga ah ee loo jeedinayo Israel ayuu Netanyahu sheegay in loo baahan yahay in la xaqdhowro weerarka ay ka gaysteen Doha, isagoo ku andacoonaya in ay ku beegsadeen Hoggaamiyeyaasha Xamaas.
Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu wiiqay xasilloonida Bariga Dhexe, si uu ugu raadsado sida uu yiri qiyaali nacasnimo iyo dano gaar ah.
Raysal Wasaare Al Thani ayaa carabka ku adkeeyay in Doha ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarka xadgudubka bareerka ah ee kaga yimid Israel.
Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa 21-kii bishii November ee sanadkii 2024 soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ka gaysatay Marinka Gaza.