Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay weerar cirka ah ku qaadday Magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen, iyadoo ay weli socoto cambaareynta caalamiga ah ee ka dhalatay weerarkii ay Talaadadii ka gaysatay Magaalada Doha.
Telefishinka afka Xuutiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa tebiyay in Israel ay soo weerartay goobo ku yaala dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Sanca.
Dadka reer Sanca ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn oo lagu soo weeraray magaalada, isla-markaana meelaha la garaacay ay ku jirto meel u dhaxeysa laba buurood oo saldhig u ah Ururka Xuutiyiinta.
Shirkadda Saliidda & Gaaska Yemen (YOGC) ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen xarun caafimaad oo ku taala Waddada Al-Sitteen ee Sanca.
Al Masirah TV ayaa sheegay in rugta caafimaadka ee la beegsaday ay ku taalo koonfur galbeed Sanca. TV-ga ayaa sidoo kale sheegay in cadowgu uu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Al-Hazm ee Gobolka Al-Jawf.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ay gantaalo ku caabiyeen diyaaradaha Israel ee duulaanka ku soo qaaday waqooyiga Yemen.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in diyaaradaha qaarkood dib loo caabiyay, ka hor inta aysan wax weerar ah ka gaysan dalkaasi.
“Hannaankeenna difaaca hawada waxay awoodeen inay soo ridaan tiro gantaalo ah, iyagoo ka hortagaya gardarrada Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah dalkeenna.” Ayuu yiri General Yahya Saree oo intaasi raaciyay “Qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka waxaa lagu khasbay inay ka baxaan hawadeenna, ka hor inta aysan wax weerar ah fulin. Inta badan weerarka waa la fashiliyay. Allaah ayaa mahad leh.”
Wasaaradda Caafimaadka ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa sheegtay in sagaal qof ay ku dhinteen, 118 kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha diyaaradaha dagaalka Israel ay ka gaysteen Magaalada Sanca iyo Gobolka Al-Jawf.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in weerarku imananayo, ka dib ku dhawaad toban maalmood oo Xuutiyiinta ay si xiriir ah u soo weerarayeen dhulka Israel.
Warbaahinta Cibriga ee afka dowladda ku hadasha ayaa ku warantay in Xuutiyiinta Yemen ay u muuqdaan kuwo hadaf ka dhiganaya gudaha Israel, ka dib duqayntii ay Israel dhawaan ku dishay Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi, kaas oo lala dilay xubno ka mid ahaa Golihiisa Wasiirada.
Taliska Militariga Israel oo mar dambe war soo saaray ayaa sheegay in ay weerareen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalkaasi Yemen.
Warka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen goobo ku yaala Sanca iyo Al-Jawf, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida warka lagu sheegay xeryo ciidan, bakhaar shidaal iyo waxa ay ku sheegeen xafiis Warbaahineed.
Dagaalka Israel ee Gaza ee lagu sheegay dagaal isir sifeyn ah ayaa xiisad geliyay Bariga Dhexe, iyadoona dagaalku uu goor horeba ka gudbay xuduudaha Marinka Gaza.