Home Wararka Caalamka Xamaas oo dunida ka dalbatay tallaabo wax ku ool ah oo ka dhan ah Madaxda Israel

Xamaas oo dunida ka dalbatay tallaabo wax ku ool ah oo ka dhan ah Madaxda Israel

by Laacib

Xamaas ayaa dunida ugu baaqday in Israel lagu la xisaabtamo weerarada ay sida cadowtinimada ah ugu burburinayo dhismayaasha Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in waxa Israel ka waddo Magaalada Gaza aanu ahayn dagaal iyaga ka dhan ah, balse uu yahay dagaal ay ku xasuuqeyso shacabka, isla-markaana ay ku burburineyso guryahooda.

Xamaas ayaa waxay cambaareysay duqayn ay Israel maanta ka gaysatay guri ku yaala xaafadda Al-Tawam ee waqooyiga Magaalada Gaza, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo shacab ah.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay waxay Israel ku eedeysay in ay waddo olole argagixiso iyo dembiyo dagaal oo abaabulan, oo ay ugu horreyaan burburinta daaraha la degan yahay, dhismayaasha danta guud iyo beegsiga ula kaca ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, kuwaas oo ay sheegtay in dhammaantood ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Xamaas ayaa waxay sheegtay in waxaan ay Israel waddo aan la dhihi karin waa dagaal ku wajahan Xamaas, waxayna tallaabooyinka Israel ay ku sheegtay kuwo ka dhan ah dadka rayidka ah, isla-markaana liddi ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in aamusnaanta iyo wax qabad la’aanta dunida ay keliya dhiirigelineyso Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, taasi bedelkeedana dunida looga baahan yahay in lala xisaabtamo Netanyahu iyo xukuumaddiisa midigta fog, si looga joojiyo xasuuqa shacabka iyo barakacinta khasabka ah ee lagu hayo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa waxay si gaar ah ugu yeertay Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta iyo ururada kale ee saamaynta leh in ay qaadaan tallaabo wax ku ool ah, si Madaxda Israel loogu la xisaabtamo dembiyadii ugu waaweyn ee waqtigan la gaysto.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah waxay horey u caddeeyeen in dagaalka Israel ee Marinka Gaza uu ku wajahan yahay dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha dadweynaha.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Jimcahan sheegtay in weerarada Ciidamada Israel ay ku dhinteen 64,756 qof, halka 164,059 kalena ay ku dhaawacmeen muddada uu socdo dagaalkan.

Dunida ayaa ku guuldareysatay in la soo xiro Raysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant, ka dib waarankii soo qabashada ee ka soo baxay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC). Maxkamadda ayaa 21-kii bishii November ee sanadkii 2024 soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo Gallant, oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ay ka gaysatay Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc