Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Qatar oo Washington kula kulmaya Madaxda Mareykanka

Raysal Wasaaraha Qatar oo Washington kula kulmaya Madaxda Mareykanka

by Laacib

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxda Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa Magaalada Washington ku qaabili doono dhiggiisa dalka Qatar, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Raysal Wasaaraha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Donald Trump, inkastoo aysan sheegin waqtiga saxda ah ay kulmi doonaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay dooneysaa in ay dejiso carrada Dowladda Qatar ee ka dhalatay weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Israel ay Talaadadii ka gaysatay Magaalada Doha, isla-markaana ay ku bartilmaameedsatay Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee magaaladaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey isaga fogeeyay in uu ka dambeeyay go’aanka ay Israel ku weerartay dalka ay xulafada dhow yihiin ee Qatar.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in weerarkaasi uu ahaa go’aan uu qaatay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isla-markaana aanu lahayn mid isaga ka yimid.

Trump ayaa xilligaasi Wariyeyaasha u sheegay in uusan ku faraxsaneyn xaaladdan, oo uu ku sheegay mid aan wanaagsaneyn marka dhinac kastaba laga eego.

Raysal Wasaare Al Thani oo Khamiistii gaaray Magaalada New York ayaa xalay kaga qaybgalay fadhi ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen weerarka ay dunida oo dhan cambaareysay ee Israel ku qaadday dalkaasi Qatar.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc