Home Wararka Caalamka Wadamada Carabta iyo Islaamka oo shir uu uga furmay Magaalada Doha

Wadamada Carabta iyo Islaamka oo shir uu uga furmay Magaalada Doha

by Laacib

Waxaa maanta Magaalada Doha ka furmay shir ay leeyihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo loogu gogol xaarayo Shir Madaxeedka Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Carabta ay Isniinta kaga arrinsanayaan jawaabta laga bixin karo weerarkii Israel ay Talaadadii ku qaadday Xarunta Golaha Siyaasadda Xamaas ee Doha.

Shir Madaxeedka Doha ayuu ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo jawaab gobolka ah oo ka dhan ah Israel, waana sababta ay madaxdu isugu tagayaan dalkaasi, si ay go’aan mideysan uga qaataan weerarkaasi.

Madaxda Carabta iyo wadamada Islaamka ayaa taageeray qaraarka Dowladda Qatar ee ku saabsan inay jiri doonto jawaab goboleed ku saabsan weerarka Israel ee xadgudubka ku ah madax bannaanideeda dhuleed iyo jiritaanka qaranimadeeda.

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in Qatar ay xaq u leedahay inay ka jawaabto xadgudubka bareerka ah ee ay Israel ku soo sameysay dalkiisa.

Hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Kuwait, Bahrain iyo Oman ayaa Amiirka dalka Qatar u xaqiijiyay in dalkiisa oo keliya aanu ka jawaabi doonin weerarka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dejinaya istiraatiijiyadda hore loogu sii soconayo, si madaxda berrito ku shireysa Caasimadda Doha ay u fallanqeeyeen, isla-markaanka ay qalinka ugu duugaan.

Weerarkan ayaa tuhun ku dhaliyay Hoggaamiyeyaasha Khaliijka ee Bariga Dhexe, sababtu tahay in aan la isku halayn karin in Mareykanku uu ka taageeri karo sugidda amniga ee dalalkooda.

Raysal Wasaaraha Qatar ayaa Khamiistii sheegay in Doha ay dib u eegis ku samayn doonto hannaankeeda ammaanka, isaga oo daba jooga in aanu Mareykanka ka difaacin weerarkii Israel.

Hoggaamiyeyaasha Khaliijka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Israel, iyagoona si isku mid ah ugu sheegay fal dembiyeed xadgudub qaawan ku ah shuruucda caalamiga ah, isla-markaana khatar ku ah ammaanka dalalka gobolka.

Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa muddo dheer Mareykanka la lahaa iskaashi dhinaca difaaca ah, waxaase caddaatay in marka ay Israel noqoto aanu ka difaaci karin weerarada kaga iman kara, taasoo keeneysa inay dib u eegis ku sameeyaan amnigooda.

Raysal Wasaaraha Sacuudiga ahna Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Emirate-ka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Amiirka Kuwait, Sheikh Mishal Al Ahmad Al Jaber Al Sabah ayaa Dowladda Qatar ku booriyay inay hoggaamiso shirka Doha, si aan looga aamusin, isla-markaana aan falkan loogu dhaafin Israel.

Inkasta oo wadamada Carabta ay wajahayaan waqtigii ugu xasaasinaa ee go’aan qaadashada, haddana dhaqdhaqaaqooda ayaan looga maari karin in la maareeyo ficilada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc