Ciidanka Cirka Israel ayaa si indha la’aan ah u burburinaya dhismayaasha ku yaala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, tani oo lagu sheegay mid ay si khasab ah magaaladaasi uga barakacinayaan Falastiiniyiinta degan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Militariga Israel ay si daba joog ah u soo saarayaan amaro dadka loogu sheegayo in ay isaga baxaan magaaladaasi, isla-markaana ay taggaan koonfurta Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si gaar ah u beegsanaya guryaha la degan yahay iyo dhismayaasha kale ee danta guud ee ay dadku door bidayaan in ay gabaadka ka dhigtaan.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta oo ugu dambeysay garaacay daaro dhaadheer oo ku yiilay magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in maanta ay burburiyeen afar ka mid ah dhismayaashii ugu dhaadheeraa ee magaaladaasi.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Xoogaga Xamaas ay dhismayaashaasi u isticmaalayeen kaabeyaashooda militari, eedeyntaas oo Xamaas ay si adag u beenisay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqayn cirka ah lagu burburiyay dhismayaashaasi, ka dib markii dadka lagu wargeliyay in ay si dhakhsa ah u banneeyaan.
Mid ka mid ah dhismayaasha la burburiyay ayaa waxaa lahayd Islamic University, waxayna ahayd xarunteedii ku tiilay Magaalada Gaza. Dhismaha jaamacaddan ayaa waxaa muddooyinkan deganaa qoysaska barakacayaasha.
Militariga Israel ayaa saakay soo saaray amar ku saabsan in laga guuro dhismayaasha dhaadheer ee haray ee ku yaala magaalada waqooyi ee Marinka Gaza, wax yar uun ka hor inta aan dhulka lala simin qaarkood.
Militariga ayaa Axaddan shacabka ku booriyay in ay si degdeg ah uga baxaan magaalada, iyagoona ka digay in uu soo fool leeyahay qorshaha ay Israel si dhameystiran ugu qaadaneyso magaaladaasi.
Militariga ayaa sheegaya in duqaynta ballaaran ay xigi doonto in Ciidamada Israel ay si buuxda isugu fidiyaan dhammaan qaybaha Magaalada Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa ku warantay in ay soo badanayaan dadka ka qaxaya magaalada, sababtu tahay Militariga Israel oo si xeeladeysan uga rarayo guryahooda iyo goobaha kale ee ay gabaadsanayaan, iyagoo adeegsanaya duqaymo aan kala joogsi lahayn oo nooc cabsi gelintooda ka mid ah.
WAFA waxay sheegtay in Israel ay burburisay dhismayaal fara-badan oo ku yiilay magaalada, isla-markaana aysan jirin cid kula xisaabtameysa dembiyada dagaal ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa maanta tirada dadka ka barakacay Magaalada Gaza ku sheegay qiyaastii 300,000 oo qof, oo toddobaadyo ka hor Qaramada Midoobey ay tirada dadka ku nool ku sheegtay in ka badan hal milyan oo qof.
Ugu yaraan 53 qof oo dad rayid ah ayaa maanta lagu dilay Marinka Gaza, iyadoo 35 ka mid ah dadkaasi lagu dilay Magaalada Gaza, halkaas oo Israel ay hadaf ka dhiganeyso.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayay booqasho uga bilaabatay Israel, xilli uu sii xoogeysanayo duulaanka ay ku hayso waqooyiga Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa tegay Israel maalmo ka dib duqayntii ay Israel ka gaysatay dalka Qatar ee dabka ku sii shidday xiisaddii in muddo ahba ka jirtay Bariga Dhexe.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in Rubio uu riixayo hindisaha xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista ee Madaxweyne Donald Trump uu soo bandhigay toddobaadkii hore, ha yeeshee ay Israel ku foogan tahay inay sii xoojiso weeraradeeda ka dhanka ah magaalada ku taala xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in tirada dadka ku dhintay weerarada Ciidamada Israel, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay sii caga-caganeyso 64,871 qof, 164,610 kalena ay ku dhaawacmeen.