Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Carabta iyo Islaamka ay ku yeesheen Doha

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Carabta iyo Islaamka ay ku yeesheen Doha

by Laacib

Dowladda Qatar ayaa waxay maanta martigelisay shir uu heerkiisu sarreyo, kaas oo Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Madaxda Islaamka ay ku yeesheen Magaalada Doha, si garab istaag loogu muujiyo, hal meelna lagaga soo jeesto xadgudubkii Israel ay toddobaadkii hore ku sameysay madaxbannaanida dhuleed iyo qaranimada Qatar.

Madaxda oo khudbadyo ka jeediyay shir madaxeedka ayaa soo jeediyay fekrado kala duwan, oo ku saabsan waxa la sameynayo, si looga hortago gardarrada Israel ee cawaaqibka ku yeelanaya ammaanka Gobolka Bariga Dhexe.

Qatar ayaa waxay rajeynaysay in la soo bandhigo jawaab mideysan oo lagu maareynayo Israel, laakiin madaxda ayaa ogolaaday in la qaado tallaabo yar oo keliya.

Marka laga soo tago in madaxdu ay ka mideysnaayeen cambaareynta Israel ee duqayntii ay u gaysatay Xarunta Golaha Siyaasadda Xamaas ee Doha, haddana dalalka xiriirka diblomaasiyadeed la leh Israel ayaa ka caga jiiday inay xiriirka u jaraan.

Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa u ololeeyay in aan wax cilaaqaad ah lala samayn Israel, si ay Bariga Dhexe ugu noqoto dowlad go’doon ah, taas oo madaxdu ay ku kala qaybsameen.

Madaxweynaha Iran ayaa ka digay in dal kasta oo gobolka ah uu noqon karo bartilmaameedka xiga ee Israel, ka dib fara-gelintii militari ay 9-kii bishan ku sameysay dalkaasi Qatar.

“Weerarkii Doha wuxuu bedelay xisaab xumo badan iyo fekrado khaldan. Weerarku wuxuu muujiyay in aanu jirin dal Carab ama Muslim ah oo ka nabad qaba gardarrada taliska Tel Aviv. Berrito waxay noqon kartaa caasimad kasta oo Carab ama Muslim ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian

Raysal Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa sheegay in cambaareyn iyo tallaabo yar oo la qaado oo keliya aysan taageeri doonin in la joojiyo gantaalada Israel iyo xoreynta Falastiin.

“Falalka ciqaabta daran waa in meesha la geliyo.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Anwar Ibrahim oo ku baaqay in la go’doomiyo Israel.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku taliyay in Israel lagu soo rogo cunaqabateyn dhaqaale, isagoona sheegay in caaadiska ceynkaasi ah uu keenayo in la xakameeyo xadgudubyada ay gaysaneyso.

Kala aragti duwanaanshaha weyn ee u dhaxeeya madaxda dalalka ayaa waxay caqabad ku noqotay isku day kasta, oo ay dhexdooda ku samayn karayeen iskaashi adag iyo in loo midoobo cadowgooda ugu weyn ee Israel.

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani oo furay shirka ayaa Israel ku eedeeyay inaysan dan ka lahayn sii deynta maxaabiista, taasi bedelkeedana ay ka shaqeynayso burburinta Marinka Gaza, illaa ay gaarsiiso heer aan lagu noolaan karin.

“Haddii Israel ay rabto inay ku adkeysato soo celinta maxaabiista, maxay haddaba u dilayaan dhammaan wada-xaajoodayaasha? Haddii Israel ay dooneyso inay disho Hoggaamiyeyaasha Xamaas, maxay tahay sababta ay u gelayaan wada hadal.” Ayuu Amiirka Qatar weydiiyay Israel.

“Ma jirto meel lagu la tacaalo xisbiga fuleyga iyo qiyaanoolaha ah.” Ayuu yiri Amiirka Qatar oo intaasi ku daray “Kuwa sida joogtada ah uga shaqeynaya inay dilaan garabka kale ee ay la xaajoonayaan ayaa ah kuwa xaqiiqdii fashilinaya wada-xaajoodyada. Marka ay sheeganayaan inay raadinayaan in la sii daayo maxaabiista, waa wax aan waxba ka jirin oo been oo keliya ah.”

Ka hor shirka, dad badan ayaa qabay suurtagelnimada in hawada laga xiro duulimaadyada Israel ama in ay madaxdu hoos u dhigaan xiriirka Israel iyo in la taageeri doono qorshihii ay Masar riixeysay, oo ahaa in la dhiso isbahaysi ciidan oo wadamada Islaamka ay leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee warmurtiyeed laga soo saaray shirka ayaa ku baaqay in dowladuhu ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka sharciga ah iyo kuwa wax ku oolka ah ee suurtagalka ah, si looga hortago Israel inay sii waddo falalka ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo inay dhul cusub ka qaadato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc