Home Wararka Caalamka Israel oo xalay duqayn culus ku harqisay Magaalada Gaza

Israel oo xalay duqayn culus ku harqisay Magaalada Gaza

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay xalay si ba’an u garaaceen xaafadaha magaaladaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa la sheegay inay burburiyeen dhismayaal fara-badan oo ku yaala magaaladaasi, waana calaamaddii ugu dambeysay oo muujineysa in la sii xoojinayo hawlgalka xagga hawada ee loogu gogol xaarayo gulufka dhinaca dhulka ee la doonayo in lagu qabsado magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay saqdii dhexe ee xalay bilaabeen in si aan la arag ay u garaacaan magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad ku hoos jira burburka, ka gadaal markii lagu dumiyay dhismayaashii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Ahmed Ghazal oo ka mid ah Falastiiniyiinta degan magaalada ayaa sheegay in habeenkii xalay ay la kulmeen duqaymo aan kala joogsi lahayn.

Ghazal ayaa tilmaamay in khatartu ay sii kordheyso, isla-markaana ay dadka qaarkood ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

“Waan maqli karnaa qayladooda.” Ayuu yiri Ghazal oo walaac ka muujiyay masiirka dadkaasi rayidka ah.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa waxay shaqaalaheedu isku dayayaan in ay dadkaasi ka soo saaraan burburka ay ku xaniban yihiin, inkastoo aysan haysan qalab ku filan, sababtu tahay Israel oo diidan in nooc kasta oo qalabka samatabixinta ee burburka la geeyo gudaha Gaza.

Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga, Mahmud Bassal ayaa sheegay in duqaymuhu ay weli si xoogan uga socdaan Magaalada Gaza, tirada dhimashada iyo dhaawacana ay sii kordheyso.

Israel ayaa beegsaneysa oo burburineysa guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka, iyadoo uu militarigeedu ku andacoonayo in Xamaas ay daaraha magaalada u adeegsaneyso hawlgaladeeda.

Ezzat Al Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha soo noqnoqday Israel ee ku aaddan in Xamaas ay dhismayaashaasi u isticmaaleyso goobo ay ka soo weerarto ciidamada.

Duqaymaha Israel oo wax taxadar ah aanu ka muuqan ayaa culeys lagu saarayaa in dadka ku harsan magaaladaasi ay isaga baxaan.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hadda la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Magaalada Gaza. Dhowr toddobaad ka hor inta aysan duqaymuhu bilaaban, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan hal milyan oo qof inay ku nool yihiin magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc