Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku faanay in ay gubaneyso Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, ka dib duqayntii cusleyd ee ay xalay u gaysteen magaaladaasi, isla-markaana ay weli sii wadaan.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay qaadeen weerar xoogan oo xagga cirka ah, si Xamaas ay u ogolaato sii deynta maxaabiista iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo.
“Magaalada Gaza way gubaneysaa. Ciidanka Difaaca Israel ayaa gacan bir ah ku garaacaya kaabeyaasha argagixisada.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Wasiirka ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan hawlgalka lagu burburinayo magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, illaa iyo inta ay Xamaas ka aqbaleyso shuruudaha Israel ee lagu joojin karo dagaalka.
“Kama laaban doono, kamana joogsan doono, illaa hawlgalka la dhameeyo.” Ayuu yiri Wasiir Katz.
Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo tan caalamiga ah ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay burburiyeen dhismayaal fara-badan, kuwaas oo qaarkood la deganaa.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa waxay shaqaalaheedu dadaal ugu jiraan, sidii ay burburka dhismayaasha uga soo saari lahaayeen dadka ku hoos jira.
Mahmud Bassal, Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga ayaa sheegay in duqaymuhu ay weli si xoogan uga socdaan Magaalada Gaza, tirada dhimashada iyo dhaawacana ay sii kordheyso.
Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa lagu khasbay in ay saqdii dhexe ee xalay isaga barakacaan guryahooda, waxaana la arkayay dadkaasi oo mugdiga ku qaxaya.
Kororka weerarada ka dhanka ah Magaalada Gaza ayaa walaac ku haysa qoysaska maxaabiista Israel ee qaarkood lagu hayo gudaha magaaladaasi.
Qoysaska & ehelada maxaabiista iyo shacabka Israel ee diidan sii socoshada dagaalka Gaza ayaa ka bannaanbaxaya tallaabooyinka ay dowladda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo ku dheereynayso dagaalkan, balse ma jirto cid dhageysaneysa.