Xoogaga iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa dagaal kala hortegay Ciidamada Israel, xilli ay isku dayayeen in ay isku soo fidiyaan Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay saaka u soo dhaqaaqeen waqooyi galbeed ee Magaalada Gaza, ka dib saacado badan oo xalay illaa waaberigii Talaadadan ay garaacayeen xaafadaha halkaasi ku yaala.
Garabka Militariga Islamic Jihaad ee Guutooyinka Al Qudus ayaa sheegay in ay ka hortaggeen Militariga Israel, oo taageero hawada ah ka helaya diyaaradahooda dagaalka.
Guutooyinka Al Qudus ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay hakiyeen duulaanka dhinaca dhulka ee ciidamadaasi, isla-markaana ay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira u gaysteen.
Ciidanka Cirka Israel ayaa la sheegay inay dib u bilaabeen duqaymaha ay halkaasi ka gaysanayaan, si ay meesha uga saaraan khatarta ay ciidamadoodu kala kulmi karaan hawlgalka dhulka.
Ciidanka Cirka Israel ayaa dhowr toddobaadba duqaymo culus ku hayay magaaladaasi, si ay ciidamadu carqalad la’aan isugu ballaariyaan magaaladaasi.
Taliska Militariga Israel ayaan weli si buuxda ugu dhawaaqin in uu bilowday wejiga xiga ee hawlgalka ay ciidamadu sida qotoda dheer ugu soo geliyaan magaalada, balse kororka duqaymaha ayaa looga gol leeyahay in la dedejiyo qorshaha militari ee lagu qabsanayo magaaladaasi.
Duqaymihii xalay ee lagu ekeeyay magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza ayaa lagu burburiyay guryo fara-badan, waxayna galaafteen nolosha dad u badan qoysas.
Hal weerar oo lagu qaaday guri ku yaala galbeedka magaaladaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof oo laba ka mid ah ay carruur yihiin, sida uu xaqiijiyay Maamulka Isbitaalka Al Shifa oo qaabilay meydadka dadkaasi.
Dhakhaatiirta ka hawlgasha Marinka Gaza ayaa sheegay in magaalada laga soo wariyay dhimasho badan, isla-markaana ay jiraan dad la la’yahay oo burburka dhismayaasha laga baadi-goobayo.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay burburka ka baarayaan, haddii ay jiraan dad badbaaday.
Radwan Hayder oo ka mid ah dadka degan Magaalada Gaza ayaa sheegay in xalay ay u ahayd habeen aad u argagax badan.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn u garaacayaan, waxa uu ku sheegay kaabeyaasha argagixisada.
Wasiir Katz ayaa sheegay in burburka magaaladan looga baaqsan karo oo keliya, iyadoo ay Xamaas aqbasho shuruudaha Israel ee lagu joojin karo dagaalka, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo.
Katz ayaa ku goodiyay in dagaalku uu sii socon doono, illaama ay ka xaqiijinayaan ujeedooyinkooda dagaalka, oo ay qayb ka yihiin in Magaalada Gaza lagu soo daro dhulka Israel iyo in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel.