Home Dhacdooyin Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday in dagaalka Israel ee Gaza uu yahay xasuuq

Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday in dagaalka Israel ee Gaza uu yahay xasuuq

by Laacib

Baaritaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in dagaalka Israel ee Marinka Gaza uu yahay xasuuq, ka dib ku dhawaad laba sano oo Israel ay dadka rayidka ah ku leynaysay dhulka go’doonsan.

Navi Pillay oo ka tirsan Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Talaadadan ku dhawaaqday in baaritaanka ay Qaramada Midoobey sameysay lagu ogaaday in dagaalkan uu yahay mid ay Israel ku xasuuqeyso shacabka.

Waxay sheegtay in Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca, Yoav Gallant ay bixiyeen amarada xasuuqa ay ciidamadoodu ka gaysteen gudaha Gaza.

“Sababtoo ah saddexdan shakhsi waxay ahaayeen wakiilo ka socda dowladda, marka loo eego sharciga, dowladda ayaa masuul ka ah.” Ayay tiri Navi Pillay.

Haweeneydan oo tixraaceysa warbixinta guddiga baaritaanka ayaa waxay sheegtay in hadalada kicinta ee Saraakiisha Israel ay dhiirigeliyeen amaba ay horseedeen natiijooyin xasuuq ah.

“Guddigu wuxuu ku soo geba-gabeeyay in Maamulka iyo Ciidamada Israel ay leeyihiin ujeedooyin xasuuq ah oo lagu leynayo gebi ahaanba ama qayb ahaan Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.” Ayay sii raacisay Navi Pillay.

Baareyaashu waxay caddeeyeen in Ciidamada Israel ay si ula kac ah u dilayaan dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza, iyagoo adeegsanaya awood xad dhaaf ah.

Baareyaasha ayaa sheegay in Maamulka Israel uu dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada ka gaystay Marinka Gaza, oo ay ugu horreyso inay dilayaan shacabka Falastiin.

Wakiilka Gaarka Qaramada Midoobey U Qaabilsan Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, Francesca Albanese ayaa Israel ku eedeysay in ay isticmaaleyso hub aan caadi ahayn, si ay xoog uga rarto Falastiiniyiinta degan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Israel ayaa bishii hore ee August ku dhawaaqday hawlgal militari, oo ay si toos ah ugu qabsaneyso magaaladaasi, oo ah xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza.

Israel ayaan wax dheg jalaq ahi u siinin baaqyadii caalamiga ahaa ee loogu jeedinayay in aysan uga sii darin masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee ay markii horeba ka abuurtay Gaza oo dhan ee ka dhalatay xanibaadaheeda gargaarka bani’aadantinimo, dilka joogtada ah ee dadka rayidka ah iyo kuwooda dhaawaca ah ee ay sahayda dawada ka hortaagan tahay in loo geeyo.

Israel ayaa muddada uu dagaalku socdo burburisay inta badan guryihii la deganaa ee Marinka Gaza iyo kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan iskuulada, isbitaalada iyo goobaha cibaadada oo ka caagan dagaalada iyo dhammaan hawlgalada militari.

Tan iyo bishii October ee sanadkii 2023 oo dagaalkan uu bilowday, Ciidamada Israel ayaa dilay ku dhawaad 65 kun oo qof, una badan haween iyo carruur, 165 kun oo kalena ay dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, isla-markaana ay Qaramada Midoobey xogaheeda ku sheegtay kuwo lagu kalsoonaan karo.

Warbixinta Qaramada Midoobey ee lagu sheegay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza ayaa weji gabax ku ah Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, taas oo mucaaradsan in lagu eedeeyo in ay ku tumaneyso sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc