Siyaad Cali Xirsi oo ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta lagu dilay magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay ku dishay goob ganacsi oo uu ku lahaa Suuqa Weyn ee magaaladaasi.
Dableyda wax dishay ayaa la sheegay in ay si dhakhsa ah uga baxsatay suuqaasi, halkaas oo daqiiqado ka dib ay gaareen ciidamada amniga.
Saraakiisha Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa laga soo xigtay in hay’adaha ammaanka ay wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto dembiileyaasha, si sharciga loo horkeeno.
Ma cadda sababta ka dambeysa dilka ninkaasi, balse dadka deegaanka ayaa dilkiisa si dhow ula xiriirinaya aanooyinka xagga qabaa’ilada.
Dadka reer Gaalkacyo ayaa muddooyinkii u dambeysay walaac ka muujinayay dilalka aanooyinka, oo aad mooddo in ay ku soo kordhayaan magaalada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii Dr. Cumar Cabdi Daahir oo nin dhallinyaro ahaa aano qabiil loogu dilay Gaalkacyo, waana dhakhtarkii labaad ay kooxo hubeysani sanad gudihiis ku dilaan magaaladaasi.
Maleeshiyaadka beelaha ee xarga goostay, isla-markaana dilalka gaysta ayaa caan ku ah inay beegsadaan dadka indhaha u ah bulshada, iyaga oo dilkooda ugu qiil dayaya mid ku habboon aargudashada dil horey loogu gaystay xubin ama shakhsiyaad ay isu beel ahaayeen.
Maleeshiyada ayaan u eegin qaabka ay ku dhinteen dadka ay doonayaan in ay u aargudaan, laakiin ay keliya doonayaan in ay nooc uun aargudasho ah sameeyaan, iyagoo welibana dilaya dadka ugu muhiimsan bulshada, xilli wax ay galabsadeen aanay jirin.