Home Dhacdooyin Falastiiniyiinta oo ka cararaya duulaanka Israel ee Magaalada Gaza (SAWIRRO)

Falastiiniyiinta oo ka cararaya duulaanka Israel ee Magaalada Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Falastiiniyiinta degan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa ka barakacaya guryahooda, ka dib markii ay Israel kordhisay ololaheeda militari ay ku qabsaneyso magaaladaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in illaa toban guuto oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel ay gudaha ugu jiraan xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo taageeraya ciidamada isku fidinaya magaalada ayaa garaacaya xaafadaha magaaladaasi, si aysan xoogaga iska caabinta caqabad ugu noqon hawlgalka militari ee dhulka.

Barraha bulshada ayay dadku isku la wadaagayaan muuqaalada qiiqa iyo uurada qarisay meelaha magaalada ee la duqaynayo, tanina waxay sare u qaadday baqdinta ay qabaan dadka reer Gaza.

Wariye Tareq Abu Azzoum oo ka soo waramaya Magaalada Gaza ayaa sheegay in duulaanka Israel uu sababay in dadkii ugu badnaa ay ka barakacaan magaaladaasi.

Xerada qaxootiga Shati ama Al-Shati oo sidoo kale loo yaqaano (xerada xeebta) ee galbeedka Magaalada Gaza ayaa ka mid ah meelaha ay dadku aadka uga barakacayaan. Ciidanka Cirka Israel ayaa shalay iyo maantaba duqeeyay xeradaasi oo barakacayaasha ay aad u deganaayeen.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa waxay sheegtay in Falastiiniyiinta ku nool Gaza ay sas iyo baqdin badan ka qabaan duqaymaha sii kordhaya bay UNRWA tiri saacad kasta.

Israel ayaa waxay si is daba joog ah u soo saareysaa awaamiir ay dadka ku harsan magaalada ugu sheegeyso in ay si degdeg ah uga baxaan. Diyaaradaha Israel ayaa galabta oo ugu dambeysay ku daadiyay magaalada waraaqo dadka lagu farayo in ay taggaan koonfurta Marinka Gaza.

Qoysaska Falastiiniyiinta ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qaxayaan aagagga burburiyay, iyadoo haddana dadkaasi aysan haysan damaanad amni.

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel ayaa goor sii horreysay gantaal ku dhufatay gaari ay la socdeen dad ka soo qaxay magaalada, isla-markaana ku sii socday dhanka koonfurta.

Hamdy Abu Tabq oo ka mid ah dadka lagu khasbay inay ka barakacaan magaalada ayaa sheegay in uu tegay dhinaca koonfureed, waxaase uu walaac ka muujiyay inuusan jirin meel ammaan ah oo dadku ay ku badbaadi karaan.

Iyadoo Israel ay duqaymaheedu ku baahsan yihiin guud ahaanba Marinka Gaza, haddana waxay si gaar ah ugu foogan tahay magaalada waqooyi ee Gaza.

Magaalada Gaza ayaa wajaheysa duulaanka ugu weyn ee Israel, xilli ay weli ku harsan yihiin dhowr boqol oo kun oo qof, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AP.

AP ayaa waxay sheegtay in Israel ay weerartay magaaladan, iyadoo dadka ku nool ay la daallaa dhacayeen macluusha ka dhalatay xanibaadaheeda gargaarka.

Toddobaadyo ka hor inta uusan bilaaban duulaanka Israel ee magaaladan ayaa waxaa deganaa in ka badan hal milyan oo qof, sida ay sheegtay UNRWA, oo ah hay’adda ugu weyn Qaramada Midoobey ee ka hawlgasha dhulka Falastiiniyiinta. UNRWA ayaa sheegtay in duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel uu burbur xoog leh ka soo gaarayo magaaladaasi.

Ugu yaraan 53 qof ayaa Arbacadan lagu dilay Magaalada Gaza oo keliya, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha tira beelka ahi ay Israel ku harqineyso. Tirada guud ee dadka maanta lagu dilay Marinka Gaza ayaana ah 75 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in xaalad aad u cakiran ay ka jirto isbitaalada yar ee haray ee magaalada, waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo keeno sahayda caafimaadka iyo shidaalka, haddii kalena ay xirmi doonaan qaybaha xaaladaha degdegga ah ee isbitaaladaasi. Wasaaradda ayaa ka digtay in wax kasta ay gabaabsi ka sii yihiin isbitaaladaasi, isla-markaana aan laga maarmi karin in la keeno dawooyinka iyo in la helo kayd dhiig ah.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, tirada dadka la dilay ayaa mareysa 65,062 qof, iyadoo 165,697 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada Ciidamada Israel, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Tiradan ayaa la aaminsan yahay inay aad uga yar tahay tirada dhabta ah ee dadka lagu dilay Marinka Gaza. Dhowr iyo toban kun oo qof oo lagu burburiyay guryihii ay deganaayeen ayaan laga soo saarin burburka dhismayaasha, iyadoo maqnaanshahooda aan loo tixgelin inay dadkaasi dhinteen, kumana jiraan tirooyinka dhimashada iyo dhaawaca ay wasaaraddu diiwaangelisay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc