Home Dhacdooyin Weerar lagu dilay askar Israeliyiin ah oo ka dhacay xuduudda Daanta Galbeed

Weerar lagu dilay askar Israeliyiin ah oo ka dhacay xuduudda Daanta Galbeed

by Laacib

Nin hubeysan ayaa Khamiistan laba ka mid ah Ciidamada Israel ku dilay xuduudda Daanta Galbeed ee la haysto ay la wadaagto dalka Jordan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in darawal u dhashay dalkaasi Jordan oo waday mid ka mid ah kolonyada gargaarka bani’aadantinimo uu rasaas ku furay Ciidanka Ilaalada Israel ee ku sugan Buundada Boqor Hussein (Allenby) ee u dhaxeysa Jordan iyo Daanta Galbeed, oo ah marin muhiim ah oo la isaga kala gudbo.

Warbaahinta Cibriga ayaa ku warantay in weerarka lagu dilay laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada Israel, isla-markaana ay ciidanku dileen ninkii weerarka soo qaaday. Warbaahintu waxay kaloo sheegtay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo, haddii ay jiraan dad gacan ka gaystay weerarkaasi iyo haddii kaleba.

Militariga Israel ayaa weerarka ka dib xiray Isgoyska Allenby, oo ah marinka ugu weyn ee isku xira Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee Israel xoogga ku haysato iyo Jordan.

Isgoyska Allenby ayaa waxaa ka soo gudba baabuurta xamuulka ah iyo waxyaabaha kale ee soo gelaya Daanta Galbeed, waana buundo muhiim ah oo ganacsi iyo dadka amnigooda la hubiyay ay ka gudbaan.

Marinkan ayaa waxaa aalaaba adeegsada Falastiiniyiinta iyo ajaaniibta booqaneysa Daanta Galbeed ee ka soo dega garoomada Jordan.

Gaadiidka xamuulka ee sida shixnadaha kala duwan iyo dadka socotada ah ayaan geli karin Daanta Galbeed, iyadoo aysan baaritaan ku marin isgoyskaasi.

Inkasta oo ay jiraan illaa saddex xuduud oo laga soo gudbo Jordan, haddana Allenby ayaa ah kan ugu weyn.

Labada kale ayaa ah midka Eilat iyo kan kale ee u dhow Beit She’an, oo ah dhulkii horey looga boobay Falastiiniyiinta, balse maanta loogu yeero Israel.

8-dii bishii September ee sanadkii 2024 ayay ahayd, markii weerar lagu dilay saddex nin oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Israel uu ka dhacay Buundada Boqor Hussein, oo sidoo kale loo yaqaano (Buundada Allenby).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc