Home Wararka Caalamka Madaxweyne Abbas oo la yaabay in Mareykanku uu mar kale diido xabad joojinta Gaza

Madaxweyne Abbas oo la yaabay in Mareykanku uu mar kale diido xabad joojinta Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas ayaa ka xumaaday diidmada qaxayan Mareykanka ee in xabad joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah laga sameeyo Marinka Gaza iyo in la sii daayo dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza.

Mareykanka ayaa xalay codka Veto isku hortaagay qaraar ay ka soo shaqeeyeen 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

14 ka mid ah 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa taageeray in la joojiyo dagaalka Gaza, ha yeeshee adeegsiga Mareykanka ee awooddiisa Veto ayaa baabi’ineysa aqlabiyadda. Mareykanka ayaa ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee leh Veto.

Madaxweynaha Falastiin ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay rumeysan la’yihiin diidmada Mareykanka in la joojiyo dhiigga ku daadinaya Marinka Gaza.

Warka ayaa lagu sheegay in ay la yaabeen in Mareykanku uu mar kale is hortaago qaraarka xabad joojinta Gaza iyo in wax laga qabto masiibada bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Warka ayaa Mareykanka lagu weydiiyay sababta uu keligii uun uga soo horjeedsan karo xabad joojinta Gaza, maadaama xubnaha kale ee Golaha Ammaanka ay taageereen qaraarka.

Madaxtooyada Falastiin ayaa sheegtay in diidmada Mareykanka ee xabad joojinta Gaza ay Israel ku dhiirigelineyso in ay sii waddo dembiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo in aysan ixtiraamin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa Aqalka Cad ku booriyay in ay dib u eegaan mowqifkooda, si loo ilaaliyo dhammaan shuruucda caalamiga ah.

Waxay noqoneysaa markii lixaad oo Mareykanka uu Veto ku diido qaraar la horkeenay Golaha Ammaanka, laguna dalbanayay in xabad joojin laga sameeyo Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc