Militariga Israel ayaa sii wada cadaadiska ay Falastiiniyiinta reer Gaza ku saarayaan in ay isaga baxaan Magaalada Gaza ee Marinka Gaza.
Falastiiniyiinta degan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa dhowrkii cisho ee u dambeysay si xoog leh uga qaxayay guryahooda, ka gadaal markii Israel ay Talaadadii ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka dhulka ee lagu qabsanayo magaaladaasi, isla-markaana ay ciidamadeedu kordhiyeen duqaymaha lagu burburinayo magaaladan.
Taliska Militariga Israel ayaa maanta dadka ku harsan magaalada ku booriyay inay taggaan dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza.
Ka hor duulaankan in ka badan hal milyan oo qof ayaa ku noollaa magaaladaasi, kuwaas oo illaa iyo hadda boqolaal kun oo ka mid ah lagu khasbay in ay ka cararaan. Qoysaska ayaana la sheegaya in iyagoo argagaxsan ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan duqaymaha indha la’aanta ah ee Israel.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Israel ku eedeysay in ay waddo duqaymo ay magaaladan kaga sifeynayso shacabka Falastiin, marka aad eegto in ay si ula kac ahi ugu diidan tahay jiif iyo joogba.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in qiyaastii 450,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada waqooyi ee Gaza, tan iyo markii Israel ay bartamihii bishii August bilowday duqaynta cirka ee loogu gogol xaarayay hawlgalka dhulka.
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa mar kale waxa uu Israel ku eedeeyay in ay dadka isugu wada gayneyso dhul aad u ciriiri ah, isla-markaana aan ku habbooneyn in lagu noolaado.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabaya in ay burburinayaan Magaalada Gaza, isagoona shacabka diidan in la barakaciyo ugu yeeray in ay raacaan awaamiirta militariga, waana xilli dadkaasi ay ka dhaadhacsan tahay in aysan ku badbaadi doonin dhulka xadidan ee loo tilmaamayo in ay aadaan.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in duqaymaha aan taxadarka lahayn ee Israel ay si ba’an ugu burburineyso guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in tobanaan qof oo rayid ah ay Sabtidan ku dhinteen duqaymaha xoogga badan ee ay Israel ku hayso magaaladaasi.
Telefishinka Al Jazeera ayaa dhakhaatiirka Gaza ka soo xigtay in ugu yaraan 91 qof maanta oo keliya lagu dilay Marinka Gaza, oo ay ku jiraan 76 qof oo lagu dilay Magaalada Gaza.
Israel ayaa ku fogaatay xadgudubyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, taas oo ah sababta ka horkeentay dunida, isla-markaana ay lumiso taageeradii bulshada reer galbeedka.