Dowladda uu hoggaamiyo Emmanuel Macron ayaa sheegtay in Paris aysan ka laaban doonin go’aanka ay markii ugu horreysay ku aqoonsanayaan Dowladnimada Falastiin.
Faransiiska ayaa toddobaadyadanba cadaadis kala kulmayay Maamulka Israel, illaa heer ay ugu hanjabeen in ay xiri doonaan Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Magaalada Qudus (Jerusalem), haddii aysan joojin taageeradooda dhismaha Dowlad Falastiini ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, Pascal Confavreux ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee lagu aqoonsanayo Falastiin uu noqon doono mid leh ficil la taaban karo, oo ay tahay in xal loogu helo colaadda muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe.
Afhayeenka ayaa Sabtidii sheegay in dunida ay dooneyso in la aqoonsado Falastiin, isla-markaana uu Faransiisku qayb ka yahay dadaalada diblomaasiyadeed ee socda.
Pascal Confavreux ayaa Warbaahinta u sheegay in aqoonsiga Dowladda Falastiin uusan noqon doonin mid afka uun ah, balse uu noqon doono mid ficilkiisa wata.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa billihii la soo dhaafay ka shaqeynayay, sidii dalalka aan horey u aqoonsan Falastiin ay u aqoonsan lahaayeen, iyagoona riixayay in la taageero baaqa qeexaya tallaabooyin la taaban karo, waqti ku xiran, isla-markaana aan laga laaban karin oo ku aaddan hirgelinta xalka labada dowladood.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay dhaliilay, waxa uu ku sheegay afgembi siyaasadeed oo kaga imanaya Israel.
Madaxweyne Macron ayaa qaba in fekerka labada dowladood uu yahay kan keliya ee nabad loogu wada noolaan karo Bariga Dhexe.
Mowqifka Faransiisku uu ku aqoonsanayo Falastiin ayaa keeni kara in ay aargoosi kala kulmaan Israel, oo aan iyadu dooneyn in Falastiiniyiintu ay yeeshaan dal madaxbannaan.
Fekerka xalka labada dal oo soo jiray muddo tobanaan sano ah ayaa xoogeystay, ka dib carro baahsan oo ka dhalatay ficilada Israel ee Gaza.