Dalalka waaweyn ee reer galbeedka ayaa markii koowaad taariikhda ka tagaya Israel, iyagoo aan Tel Aviv waxba ka weydiineyn go’aanka ay ku aqoonsanayaan Falastiin.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa horkacaya is bedelka siyaasadeed ee ka jira reer galbeedka, isagoo lagu wado in goor dhow uu shir guddoomiyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka furmaya Magaalada New York.
Dowladaha Ingiriiska, Australia, Canada iyo Portugal ayaa Axaddii shirka ka hor ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u aqoonsanayaan Dowladnimada Falastiin.
Dalalkan iyo dalal kale oo reer Yurub ah ayaa muddada uu shirka socdo sii xoojin doona aqoonsiga Dowlad Falastiini ah, oo ay u arkaan xalka ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo colaadda Falastiin iyo Israel ee muddada dheer ka socotay Bariga Dhexe.
Illaa iyo hadda dalalka sida rasmi ah toddobaadkan u aqoonsanaya Falastiin ayaa kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Belgium, Portugal, Malta, Luxembourg, Andorra, Australia iyo Canada.
Inta uu socdo Shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa suurtagal ah in dalal kale ay bedelaan fekerkooda, si ay u aqoonsadaan Falastiin.
Dalka Talyaaniga oo kale ayaa waxaa ka socdo dibadbaxyo waaweyn oo dowladda dalkaasi looga dalbanayo in aysan ka harin duufaanta siyaasadeed ee ruxeysa dunida galbeedka ee loogu hiilinayo shacabka dulman ee Falastiin.
Aqoonsigan ayaa waxa uu muhiim u yahay in la taageero dadaalada caalamiga ah ee lagu raadinayo xabad joojinta Gaza iyo bilaabista geeddi-socod siyaasadeed, oo looga gol leeyahay in la soo afjaro sharci darrada ay Israel ku haysato dhulka Falastiiniyiinta, si shacabka Falastiin loogu ogolaado xaqa sharci ay u leeyihiin inay u noolaadaan, sida shacabka Israel oo kale.
Is bedelkan siyaasadeed ee ka jira dalalka reer galbeedka ayaan ku iman rabitaanka hoggaamiyeyaasha dalalkaasi, balse uu ku yimid cadaadiska xoogga leh ay shacabkooda ku saarayaan in la joojiyo taageerada indha la’aanta ah ee Israel.
Inkasta oo inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay haddaba aqoonsan yihiin Falastiin, haddana saamaynta togan reer galbeedka ee siyaasadda caalamka ayaa Israel ka caawisay inay noqoto dowlad militari ahaan xoog badan, isla-markaana ku tumata sharciyadii ay dunida qoratay.
Hadda in ka badan 150 dal oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa aqoonsan Dowladda Falastiin.
Dunida ayaa si cajiib ah u taageereysa hirgelinta xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, waana is bedelka ka dhashay carrada caalamiga ah ee laga muujiyay dembiyada xargaha goostay ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, oo ay biirsatay deegaameynta sharci darrada ah ee ay tobanaanka sano ka wadday Daanta Galbeed ee la haysto.