Jamhuuriyadda yar ee San Marino ee Yurub ayaa ku dhawaaqday in Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay kaga dhawaaqi doonto aqoonsigooda rasmiga ah ee Dowladnimada Falastiin.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo hoggaaminaya is bedelka siyaasadeed ee ka jira dalalka reer galbeedka ayaa bogaadiyay go’aanka San Marino.
Dalalka sheegaya in ay aqoonsanayaan Falastiin ayaa sii kordhaya, ka hor Shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey ee ka furmaya Magaalada New York.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku qulqulaya New York, iyagoo halkaasi kaga qaybgelaya Meertada 80aad ee Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Faransiiska oo saacadaha soo socda shir guddoomin doona wejiga hore ee shirka ayaa dalalka harsan ee aan weli aqoonsan Falastiin ku booriyay in ay doonta dhinacooda ka soo raacaan.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegaya in hindisaha Paris uu qayb ka yahay dadaalada ballaaran ee diblomaasiyadeed ee ay sida wadajirka ah uga soo shaqeeyeen iyaga iyo Sacuudiga.
Madaxweyne Macron ayaa tilmaamay in tallaabadan ay noqon doonto bilowga geeddi-socod siyaasadeed iyo qorshe nabadeed, oo horseedaya in qof walba uu ammaan ku noolaado.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa la sheegay inuusan goobjoog ka noqon doonin shirka maanta, inkastoo laga yaabo in aalaadda muuqaalka foggaan aragga ah uu kaga qaybgalo.
Faransiiska, Belgium, Luxembourg, Malta, Andorra iyo San Marino ayaa waxaa suurtagal ah in saacadaha dambe ee Isniintan ay ku dhawaaqaan aqoonsigooda Falastiin, inkastoo dalalka qaar ay dhici karto in ku dhawaaqista aqoonsigooda ay dib u dhigtaan kulamada dambe ee golaha. Shirkan Qaramada Midoobey ee New York ayaa socon doono illaa 29-ka bishan.
Dalalka Ingiriiska, Canada, Australia iyo Portugal ayaa shirka ka hor oo Axaddii ahayd si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsigooda Falastiin.
Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkan marqaati ka noqon doona tiro ka mid ah dalalka reer galbeedka oo aqoonsanaya Dowlad Falastiini ah.
Dalal kale oo reer galbeed ah ayaa laga yaabaa inay shirkaasi kaga dhawaaqaan aqoonsi ay tahay inay Falastiin u aqoonsadaan dal madaxbannaan.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa taageero heer caalami ah u raadinaya xalka laba dal oo deris ah, isla-markaana ay shacabkood nabad ugu wada nool yihiin Bariga Dhexe.