Home Wararka Caalamka Shan dal oo kale oo aqoonsaday Dowladnimada Falastiin

Shan dal oo kale oo aqoonsaday Dowladnimada Falastiin

by Laacib

Dalalka Belgium, Luxembourg, Malta, Monaco iyo Andorra ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee si rasmi ah dal madaxbannaan ugu aqoonsada Falastiin.

Dalalkan ayaa xalay Shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey kaga dhawaaqay aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin, ka dib markii Faransiisku uu si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin.

Raysal Wasaaraha Belgium, Bart De Wever oo kale oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Brussels ay calaamad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo xoogan ay siineyso adduunka.

“Belgium waxay maanta siineysaa calaamad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo xoogan adduunka, annagoo ku biirayna wadamada isbuucan ee shirka heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaga dhawaaqaya aqoonsiga Dowladda Falastiin.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Bart De Wever.

Raysal Wasaaraha Luxembourg, Luc Frieden ayaa isna si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga dalkiisa ee Dowladda Falastiin.

Robert Abela, Raysal Wasaaraha Malta ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay si buuxda u aqoonsaneyso Dowladda Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Andorra, haweeneyda lagu magacaabo Imma Tor Faus ayaa shirka kaga dhawaaqday “Waddada keliya ee looga bixi karo rabshadahan waa xal laba dowladood ah.”

Monaco oo noqotay dalkii ugu dambeeyay ee aqoonsada Dowlad Falastiini ah ayaa Amiir Prince Albert II uu aqoonsigooda kaga dhawaaqay shirka ka socda Magaalada New York.

Dalalka reer galbeedka ayaa aqoonsanaya Falastiin, xilli Israel ay isku dayeyso in ay sii kordhiso weeraradeeda gardarrada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Israel ayaa si weyn uga biyo diiday cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu mucaaradsan yahay, isla-markaana ay reer galbeedku ku aqoonsanayaan Falastiin.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in aanay marnaba ogolaan doonin in laga garab dhiso dal gaar ah oo shacabka Falastiin ay leeyihiin.

Netanyahu oo lagu tilmaamo dagaal ooge iyo nin ay Yahuudnimada madax martay ayaa xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka ku dhalleeceeyay inay abaalmarinayaan sida uu yiri Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc