Militariga Israel ayaa saqdii dhexe ee xalay weeraray xerada qaxootiga Arroub ee Daanta Galbeed, xilli Falastiiniyiinta degan ay hurdayeen.
Telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in la soo wariyay isku dhac ka dhacay xeradaasi, iyadoo aan la aqoon sababta ay ciidamadu u weerareen.
Xeradan ayaa ku taala inta u dhaxeyso Magaalooyinka Hebron iyo Bethlehem ee koonfurta Daanta Galbeed ee la haysto.
Shabakadda Wararka Al Quds ayaa ku warantay in sidoo kale Ciidamada Israel ay xoog ku galeen deegaanka Beit ‘Awa oo hoostaga Magaalada Hebron.
Israel ayaa waxaa la sheegay inay qaadeyso hawlgalo militari, oo ay ku muujineyso diidmadeeda in dalalka reer galbeedka ay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiin.
Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey, Danny Danon oo qaadacay ka qaybgalka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee xalay ka furmay Magaalada New York ayaa wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay kacdoonka uu horkacayo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ee lagaga soo horjeedo sida uu yiri Israel, isla-markaana lagu garab istaagayo Falastiiniyiinta.
“Ocotober 8-deedii, 2023 waxaad garab istaagtay Israel, waxaadna ka hadashay la haysteyaasha, maantase waad ka sii socotaa oo waxaad ka tageysaa la haysteyaasha.” Ayuu yiri Safiirka oo tixraacaya is bedelka ku yimid mowqifkii taageerada reer galbeedka ee Israel.
Danny Danon oo Warbaahinta la hadlay wax yar uun ka hor, inta aanu furmin shirka ka socdo New York ayaa sheegay in marka Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu dhawaan dib ugu laabto Israel ay masuuliyiinta dowladda ka wada hadli doonaan tallaabooyinka ay tahay in la qaado, si looga jawaabo dalalka reer galbeedka ee aqoonsanaya Falastiin.
Netanyahu oo lagu wado in uu ka qaybgalo Shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa ka horyimid go’aanka reer galbeedka ee ay dal madaxbannaan ugu aqoonsanayaan Falastiin.
Hoggaamiyeyaasha caalamka oo isugu tegay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayay intoodu badani taageerayaan aqoonsiga Dowladnimada Falastiin iyo is bedel diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla-markaana ku aaddan xaqiijinta xalka laba dal oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.