Home Dhacdooyin Slovenia oo xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogtay Raysal Wasaaraha Israel

Slovenia oo xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogtay Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Dowladda Slovenia ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, sababtu tahay dhiigga ay Israel ku daadineyso Marinka Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Slovenia ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii shaacisay in Ljubljana ay xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogtay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo aan iman karin dalkeeda.

“Ficilkan Slovenia wuxuu xaqiijinayaa, sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, qiyamka bani’aadantinimada iyo siyaasad shisheeye oo mabda’a leh oo joogto ah.” Ayay tiri Neva Grasic, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Slovenia.

Slovenia oo xubin ka ah Midowga Yurub ayaa billihii u dambeeyay dhalleeceyneysay ficilada Israel ee Gaza, xayiraadda safarka ee la saarayna Netanyahu ayaa sida muuqata loogu talagalay in lagu caddeeyo siyaasadda dalka.

Go’aankan ayaa lala xiriiray mid lagu taageerayo amarka Maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) oo bishii November ee sanadkii 2024 soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu, oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ay ka gaysatay Gaza. Go’aankan ayaa sidoo kale lala xiriiriyay go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga (ICJ) ay isla sanadkii hore ka soo saartay in Israel ay ka baxdo dhulka Falastiiniyiinta ay sida sharci darrada ah ku haysato.

“Dhammaan dalalka ka tirsan Maxkamadaha Caalamiga ah oo Slovenia ay ku jirto waa inay ka horyimaadaan joogitaanka sharci darrada ah Israel ee dhulka laga haysto Falastiin, waana in aysan bixin wax taageero ah, si aan loo sii wadin xaaladdan.” Ayay tiri Neva Grasic.

Slovenia ayaa bishii July soo saartay amar ay dalkeeda kaga mamnuuceyso laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu, kuwaas oo kala ah Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo kan Maaliyadda Bezalel Smotrich.

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa sanadkan dalalkooda ka mamnuucay labadan Wasiir, sababo ku aaddan taageeradooda xasuuqa Gaza iyo inay Dowladda Israel ku khasbayaan ballaarinta deegaameynta aan sharciga ahayn ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.

Slovenia ayaa sidoo kale bishii August cunaqabateyno ku soo rogtay Israel, oo ay ku jiraan in la mamnuucay hubkii loo dhaafinayay iyo inaanan dalkeeda la keeni karin alaabaha lagu sameeyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Slovenia ayaa waxay noqoneysaa dalkii ugu horreyay ee xubin ka ah Midowga Yurub ee xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo roga Hoggaamiyaha Israel.

Slovenia ayaa waxay ka mid tahay afar dal oo reer Yurub ah oo sanadkii hore ee 2024 aqoonsaday Dowladnimada Falastiin.

Dagaalka Gaza ayaa sii kala fogeynaya Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka, ka dib markii shacabka dalalkaasi ay diideen ku tumashadeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc