Ciidamada Israel ayaa hadaf militari ka dhiganaya isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, iyagoo sii xoojinaya tallaabooyinka ay dadka rayidka ah uga eryayaan guryahooda iyo goobaha kale ee ay gabaadsanayaan.
Israel ayaa bishan September duulaankeeda Marinka Gaza waxay xooggiisa u weecisay Magaalada Gaza, iyadoona uu militarigeeda sheegay inay burburinayaan kaabeyaasha militariga iyo dhaqaalaha ee Xamaas. Taliska Ciidamada Israel ayaa dhammaan shacabka ku wargelinaya inay taggaan koonfurta Marinka Gaza, iyagoo sheegay in ay badbaado ku heli doonaan, balse Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaysan jirin meel qura oo Gaza ah oo ammaan ah.
Iyadoo ku dhawaad laba toddobaad uu socdo duulaanka dhinaca dhulka Israel ee magaalada, laba xarumood oo caafimaad ayaa lagu burburiyay duqaymo xagga cirka ah. Laba isbitaal oo kale ayaa la xiray, markii waxyeelo loo gaystay, halka kuwo kalena ay ku shaqeynayaan waqti adag, ka dib markii ay soo food saartay dawo la’aan, sahayda caafimaadka oo ay adag tahay in la gaarsiiyo iyo shidaalka oo muhiim u ah in ay dhakhaatiirku ku shaqeeyaan qaybaha xaaladaha degdegga ah, sida qolalka qaliinada lagu sameeyo.
Isbitaalka Al-Qudus oo ku yaala cirifka koonfureed ee Magaalada Gaza ayaa laga daadgureeyay dhammaan dadkii xaaladahooda lagu la tacaalayay iyo shaqaalaha caafimaadka.
Dhakhaatiirta ajaaniibta ah ayaa lagu amray inay ka baxaan magaalada, sidoo kalena dhaawacyada iyo dadka bukaanka ahna laga saaro xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaaladaasi. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in carruur fara-badan oo laga daweynayay nafaqo darro laga saaray xarumihii lagu daweynayay.
Andee Vaughan oo ah kalkaaliso u dhalatay dalka Mareykanka ayaa wax waali ah ku tilmaamtay burburinta ay Israel ku hayso goobaha daryeelka ee magaaladaaasi. Andee Vaughan oo ka shaqeynaysay Isbitaalka Al-Qudus ayaa sheegtay in lagu riixay inay taggaan deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, waxayna sheegtay in Israel ay si ula kac ah u burburineyso xarumaha caafimaadka.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in Israel ay weerartay xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza, iyadoo magaalada ay ka jirto macluul.
Israel ayaa xirtay marinada laga soo galo waqooyiga Marinka Gaza, taasoo ka hortagtay shixnad gargaar oo toos loogu waday magaalada. Kooxaha gargaarka ayaa bartamihii bishan bilaabay in wixii sahay ah ee la heli karo ay geeyaan deegaanada ku yaala koonfurta Marinka Gaza, iyadoo Israel ay sare u sii qaadeyso xadidaadda dhaqdhaqaaqooda, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobey.
Agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa, Hassan AlShaer ayaa sheegay in isbitaalkooda oo keliya laga daadgureeyay ku dhawaad 100 bukaan, iyadoo ay sii kordheyso duqaymaha uga imanaya Ciidamada Israel.
Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha caafimaadka oo ay ku jiraan kuwa ajaaniibta ay ka cararayaan waqooyiga Marinka Gaza, sababtu tahay iyagoo ka baxsanaya in la dilo.
“Cabsidu waa dhab. Shaqaale badan ayaa joojiyay inay soo xaadiraan shaqada.” Ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa.
Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa bayaan ku sheegay in nidaamka daryeelka caafimaadka ee Magaalada Gaza uu la kulmayo weerar lagu burburinayo.
MSF waxay sheegtay in shaqaalaheeda ay hakiyeen howlihii caafimaad ay ka hayeen Magaalada Gaza, sababtoo ah khatarta shaqaalaheeda kaga imaneysa Israel oo aad u korortay.
Shaqaalaha MSF oo bixinayay adeeg caafimaad oo ay ku jiraan daweynta nafaqo darrada iyo dhaawacyada daran ayaa Jimcihii joojiyay dhaqdhaqaaqyadoodii magaalada. MSF waxay sheegtay in Militariga Israel ay bartilmaameed ka dhiganayaan isbitaalada oo ka baxsan goobaha dagaalka.
“Waxaa na looga tagay wax kale oo aan ahayn inaan joojino dhaqdhaqaaqyadayada, maadaama xarumahayaga caafimaadka ay ku hareereysan yihiin Ciidamada Israel.” Ayuu yiri Jacob Granger, Iskuduwaha Caafimaadka Degdegga ah MSF ee Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 27 xarumo caafimaad oo aasaasi ah oo laga sameeyay magaalada ay dhammaantood xirmeen, xilli baahi weyn oo caafimaad ay ka jirto magaaladaasi.
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa xaaladda sii xumaaneysa ee Magaalada Gaza ku tilmaamay mid aad looga naxo.
Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Israel ku dhalleeceeyay in magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza ay ka dhigeyso meel aan la joogi karin.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa caalamiga ah oo qayb ay ka yihiin Ururada Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in Israel ay si nidaamsam u beegsaneyso isbitaalada iyo xarumaha kale ee caafimaadka, iyadoo adeegsaneysa weeraro toos ah, kuwo aan toos ahayn iyo weliba xeelado go’doomin ah.
Israel oo sii waddo amarada ay magaalada kaga saareyso Falastiiniyiinta degan ayaa la sheegay in intooda badan ay ku khasabtay inay isaga barakacaan, walow ay weli ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof. Duulaanka ka hor waxaa magaalada deganaa in ka badan hal milyan oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, waxaana hadda ku harsan dhowr boqol oo kun oo ka mid ah.
Israel ayaa waxay sheegtay in ciidamadeeda ay duulaan ballaaran ku hayaan Magaalada Gaza, oo ay ku sheegtay middii ugu dambeysay ay Xamaas ka maamuleyso Marinka Gaza.
Dunidu waxay maanta ka martiqaati kaceysaa in Israel ay xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah bani’aadantinimo ay ka gaysaneyso Gaza, taasoo Tel Aviv iyo xulafadeeda Mareykanka ay si indha la’aan ah u beeninayaan.