Turkiga ayaa ku biiray dalalka Talyaaniga iyo Spain oo maraakiib dagaal ku taageeray in lagu ilaaliyo doomaha gargaarka bani’aadantinimo u wada Marinka Gaza, ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku hayaan diyaaaradaha dagaalka Gaza.
Doomahan oo illaa 52 gaaraya, isla-markaana sida raashiin, caano iyo biyo nadiif ah ayaa dhowr goor weeraro kala kulmay diyaaaradaha dagaalka Israel. Doomahan oo noqonaya kuwoodii ugu badnaa ee ku sii jeeda Gaza ayaa waxaa la socda kooxaha u dhaqdhaqaaqa xornimada Falastiin iyo dad kale, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Xildhibaano reer Yurub ah, kuwaas oo la sheegay inay ka damqadeen ficilada cadowtinimada ah Israel ee leh dilka, barakaca baahsan, gaajeysiinta joogtada ah iyo go’doominta dhameystiran ay ku hayso Marinka Gaza, taas oo ay ku xadideyso baahiyaha aasaasiga ah ee dadka reer Gaza.
Ololahan ballaaran ee lagu jebinayo go’doominta dhinaca badda Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Ururka Caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition, kaas oo bishii August dunida u soo bandhigay in aan loo kala harin in si xoog ahi gargaarka lagu geeyo Gaza, iyadoo laga jawaabayo xanibaadaha Israel iyo is hortaagga ay ku hayso kolonyada gargaarka bani’aadantinimada ee u raran Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay si firfircoon ula socdaan doomaha Global Sumud Flotilla oo ku sii jeeda Gaza, iyagoo kaga biiray bariga Badda Mediterranean-ka (Badda Dhexe), xilli ay doomuhu ku sii dhawaanayaan dhulka go’doonsan ee Falastiin.
Warbaahinta Turkiga ayaa Sabtidan sheegtay in dowladda dalkaasi ay Jimcihii qaadatay go’aan la mid ah midka Spain iyo Talyaaniga, oo ka carooday weerarada soo noqnoqday Israel ee lagu beegsanayo dadka badda ku safraya ee gargaarka gaynaya Gaza.
Talyaaniga ayaa Arbacadii amray in mid ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka oo ku sugan Badda Mediterranean-ka uu ilaaliyo amniga doomaha, isla-markaana uu ka jawaabo weerarada ay soo wariyeen dadka la socda gaadiidka badda ee gargaarka u wada Marinka Gaza. Spain ayaana Khamiistii sheegtay in weeraradan ay ku kalifeen in iyana ay markab dagaal ku biiriso hawlgalka lagu ilaalinayo badqabka doomaha iyo dadka saaranba, oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalkeeda.
Ciidamada Turkiga ayaa soo bandhigay diyaaradahooda sahanka ee difaaca loo adeegsado oo dusha ka ilaalinaya doomaha Flotilla. Drones-ka Turkiga ee Bayraktar Akinci iyo TB2 oo ka mid ah kuwa ugu casrisan ee maanta ka jira dunida ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalkan.
Talyaaniga iyo Spain waxay ka mid yihiin dalalka ugu waaweyn reer galbeedka ee bilowgii Israel ku garab istaagay duulaankeeda Gaza, laakiin ay markii dambe cambaareeyeen ficiladeeda gaarka ah ee ku wajahan dadka rayidka ah.
Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Madrid ay diri doonto mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidanka Badda Spain, si looga hortago in la beegsado muwaadiniintooda.
“Waxaan rabaa in aan u caddeeyo Dowladda Israel in Spain ay dabcan ilaalin doonto muwaadiniinteeda.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Sanchez oo Israel uga digay inay khatar geliso muwaadiniinta Spain.
Rome waxay iyana sheegtay in lagu khasbay inay markab dagaal daba dhigto doomaha, si Ciidamada Talyaaniga ay u ilaaliyaan Shaqaalaha Talyaaniga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi ka tirsan ee la socda doomahaasi, ka dib markii Israel ay tixgelin weyday codsigoodii ahaa in nolosha dadkaasi la ilaaliyo, isla-markaana aan la weerarin doomaha gargaarka.
Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni ayaa Arbacadii si kulul u cambaareysay Israel, iyadoo xoojineysa eedeyn ay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ay isla maalintaasi u jeedisay Israel, kuna saabsaneyd in Ciidamada Israel ay weerar ku qaadeen qaar ka mid ah doomaha, inkastoo aan khasaare nafeed la soo warin.
Giorgia Meloni oo khudbad ka jeedisay Shirka Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa sheegtay in Talyaanigu uu ku biiri doono dalalka Midowga Yurub ee cunaqabateynada ku soo rogaya Israel, ka dib markii ay ku eedeysay in ay ka gudubtay khadka dagaalka.
“Israel hadda aad bay u fogaatay.” Ayay tiri Giorgia Meloni, waana markii ugu horreysay oo dowladda ay hoggaamiso ay taageerto in la cunaqabateeyo Tel Aviv.
Inta badan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa bishii August taageeray in la go’doomiyo Israel, ka gadaal markii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalkaasi ay ku kulmeen Magaalada Copenhagen, balse ay xilligaasi ka horyimaadeen dalal yar oo kala ah Jarmalka, Austria, Talyaaniga, Hungary iyo Czech Republic.
Afhayeenka Guddiga Fulinta ee Midowga Yurub, Eva Hrncirova ayaa sheegtay in xorriyadda socdaalka ee sharciga caalamiga ah ay tahay in la ilaaliyo.
Oren Marmorstein, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in Gaza ay tahay aag dagaal, oo loo baahan yahay in laga fogaado.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa la isweydiinaya Ciidamada Israel maka fogaan doonaan inay weeraraan doomaha iyo dadka ajaaniibta ah ee kaalmada bani’aadantinimo u sida Falastiiniyiinta Gaza mise waxay u bareeri doonaan inay dagaal la galaan laba ka mid ah xulafada reer galbeedka iyo Turkiga oo wada socda, taasna ay hadhow reer Yurub ku jiidi doonto inay si buuxda u go’doomiyaan Israel.