Ciidamada Israel ayaa waxay markii ugu horreysay u muuqdaan kuwo ku sii siqaya bartamaha Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, tan iyo markii Israel ay laba toddobaad ka hor ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka ballaaran ee dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo magaaladaasi.
Ciidamada Israel oo wata taangiyadooda ayaa maalmihii u dambeysay la xarbinayay xoogaga iska caabinta Falastiiniyiinta ee ku hortaagnaa xaafadaha waqooyiga ee Magaalada Gaza.
Falastiiniyiinta ku sugan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza ayaa sheegay in taangiyada Militariga Israel ay ku soo siqayaan bartamaha magaalada qadiimiga ah ee Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa burbur baahsan ka gaystay magaalada, iyagoona dhulka la simay dhismayaal fara-badan oo la deganaa. Diyaaradaha Israel ayaa dhowr toddobaad garaacayay, ka hor inta aysan militarigu ku dhawaaqin Hawlgalka Gideon Chariots 2 ee Tel Aviv sheegtay in lagu qarameynayo magaalada ku taala jiidda waqooyi ee Marinka Gaza.
Militariga Israel ayaa lagu eedeeyay in si waali ah ay u burburinayaan goobaha caafimaadka ee magaalada, iyaga oo amraya in laga saaro dhaawacyada iyo dadka kale ee bukaanka ah ee xaaladdooda lagu la tacaalayo.
Israel ayaa waxay Xamaas ku eedeysay inay xarumaha caafimaadka ee Magaalada Gaza u adeegsaneyso xarumaha talisyadeeda iyo ujeedooyin ciidan, isla-markaana ay ka soo qaadeyso weeraradeeda ka dhanka ah Ciidamada Israel. Israel ayaan soo bandhigin wax caddeymo ah oo eedeymaheeda xoojinaya.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay inta badan shaqaalaha caafimaadka ee ajaaniibta ah ay ku khasbeen inay ka baxaan magaaladaasi, ka dib markii ay sii xoojiyeen khatarta ay ku yihiin noloshooda.
Taliska Militariga Israel ayaa Falastiiniyiinta weli ku sugan magaalada ku wargeliyay in ay banneeyaan, isla-markaana ay taggaan koonfurta Marinka Gaza.
Ugu yaraan 33 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa Isniintan lagu dilay magaalada, ka gadaal markii la beegsaday goobihii ay dadkaasi gabaadsanayeen.
Saddex meelood oo meel dadka rayidka ah ayaa la fahamsan yahay in ay ka barakaceen magaalada, si ay uga baxsadaan duqaymaha aan kala sooca lahayn ee Israel.
In ka badan 66 kun oo qof, una badan dumar iyo carruur ayaa ku dhintay weerarada Ciidamada Israel, muddada uu socdo dagaalkan, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale in ka badan 168,200 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarada baahsan ee Israel.