Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa maanta sheegay in ay diiwaangeliyeen 17 weerar oo Ciidamada Israel ay ku qaadeen xarumo caafimaad oo ku yaala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee laantiisa Falastiin ayaa sheegay in Israel ay 17 weerar ku beegsatay xarumaha caafimaadka ee Magaalada Gaza, labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Xafiiska ayaa sheegay in Israel ay si toos ah u beegsatay isbitaalo ay ka mid yihiin Isbitaalada Al-Qudus, Al-Rantisi iyo Xarunta Medical Relief Health oo dhammaantood ku yaala Magaalada Gaza, halka sidoo kalena ay weeraradu ka dhaceen agagaarka Isbitaalada Al-Shifa iyo Al-Ahli.
Hay’adda OHCHR ayaa waxay sheegtay in weerarada noocan oo kale ah ay meesha ka saarayaan in la helo goobo lagu daweeyo dhaawacyada iyo dadka kale ee bukaanka ah.
“Weerarada sii kordhaya ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka ayaa horseedaya khasaare aan la tirin karin.” Ayaa OHCHR ku sheegtay war ay soo saartay.
“Ilaalin degdeg ah, helitaanka daryeel caafimaad iyo gargaar bani’aadantinimo waa lama huraan.” Ayaa lagu yiri warka.
Militariga Israel ayaa lagu eedeeyay inay amar ku bixiyeen in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka xaaladdooda lala tacaalayaba in laga daadgureeyo isbitaalada ku yaala Magaalada Gaza.
Agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa, Hassan AlShaer ayaa sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay ka yaaceen magaaladan, ka dib markii ay soo food saartay khatar dhab ah.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa xaqiijiyay shaqaalaha caafimaadka ee ajaaniibta ah ay isaga taggeen magaalada, iyagoo ka baqdin qaba in la bartilmaameedsado.
Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegay in shaqaalahooda lagu riixay inay ka baxaan magaalada, markii ay korortay khatarta kaga imaneysa Ciidamada Israel.
Illaa soddon xarumood oo isugu jira isbitaalo iyo xarumo kaloo caafimaad oo ka shaqeynayay magaalada, ka hor duulaankan cusub ayaa xirmay.
Militariga ayaa bartamihii bishan ku dhawaaqay Hawlgalka Gideon Chariots 2, oo ah hawlgal ay sheegeen in si toos ah loogu qaadanayo Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.