Home Wararka Caalamka Dagaalka Magaalada Gaza oo sii xoogeysanaya (SAWIRRO)

Dagaalka Magaalada Gaza oo sii xoogeysanaya (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Gaza ayaa duqyamo is daba joog ah ka gaysanaya Magaalada Gaza ee ku taala waqooyiga Marinka Gaza, xilli Ciidamada Israel ee lugta ay ku sii fidayaan bartamaha magaaladaasi.

Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay soo afjaray caqabad weyn oo ka haysatay, sidii ay uga soo gudbi lahaayeen iska caabin xoog badan oo ku haysatay darafyada magaalada, tan iyo markii Israel ay laba toddobaad ka hor iclaamisay in uu bilowday hawlgalka dhulka ee lagu qabsanayo magaaladaasi.

Ka hor hawlgalka dhulka, Ciidanka Cirka Israel ayaa toddobaadyo si xiriir ah xagga hawada uga garaacayay magaalada, iyadoona weli duqaymuhu aysan hoos u dhicin, inay kordhaan mooyaa.

Wariyeyaasha ka hawlgala Magaalada Gaza ayaa soo sheegaya in diyaaradaha dagaalka Gaza ay maanta oo keliya ay burburiyeen dhismayaal badan, ka dib markii dadkii deganaa uu militarigu ku amray in ay si dhakhsa ah uga guuraan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha Israel ay burbur weyn u gaysteen tiro dhismayaal ah oo hareeraha kaga yiilay Isbitaalka Al-Shifa.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Ciidamada Israel uu gelinkii dambe ee maanta uu weerar culus ku qabsaday aagga Isbitaalka Al-Shifa ee xaafadda Nassr, ka gadaal markii ciidamadu ay halkaasi soo galeen.

Goobjoogeyaashu waxay sheegeen in rasaas xoog lihi laga maqlayay goobta, isla-markaana ay diyaaradaha Israel duqeeyeen goobihii ay ka dagaalamayeen kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ee difaacaya magaalada.

Is ballaarinta ay Ciidamada Israel ka wadaan magaaladan ayaa qoysas hor leh ku khasabtay in ay ka barakacaan guryahooda iyo dhismeyaashii kale ee ay gabaadka ka dhiganayeen.

Ugu yaraan 33 qof oo dad shacab ah ayaa lagu dilay duqaymihii ay maanta Israel ka gaysatay magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Iyadoo Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamkaba ay rajo badan ka qabaan kulanka haatan u socdo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu in uu miro-dhali doono, si loo soo afjaro dagaalkan ayay haddana Israel u muuqataa mid sii xoojineysa duulaanka ay ku hayso xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza.

Shacabka Falastiin, gaar ahaan kuwa reer Gaza ayaa si dhow ula socda wada hadalada ka socda daaha gadaashiisa ee masiirkooda looga hadlayo, iyagoona rajeynaya in horumar laga samayn doono wada hadaladaasi.

Israel ayaa la sheegaya in kororka weeraradeeda militari ay ka leedahay, si ay ugu gaarto ujeedooyin siyaasadeed, laakiin reer Gaza waxay ka tagi karin in ay guryahooda ku laabtaan.

Xabad joojinta Gaza waxay dadka deegaanka u bixin kartaa rajo iftiimaya, ha yeeshee waxaa caqabad ku noqon kara waa inaysan jirin cid damaanad qaadi karta in Israel aysan dib u bilaabi doonin weeraradeeda, haddiiba ay suurtagasho in heshiiska xabad joojinta la gaaro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc