Home Wararka Caalamka Smotrich oo dhalleeceeyay in Israel ay amnigeeda u daba fariisato Mareykanka

Smotrich oo dhalleeceeyay in Israel ay amnigeeda u daba fariisato Mareykanka

by Laacib

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa dhalleeceeyay hindisaha 20-ka qodob ka kooban ee Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo gelinkii dambe ee Isniintii ka garab hadlayay Madaxweynaha Mareykanka, oo si wadajir ah ay shir jaraa’id ugu qabteen Aqalka Cad ayaa aqbalay soo jeedinta Trump, iyadoo Saraakiisha Xamaas-na laga soo xigtay in ay dersayaan qodobada heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda ee midigta fog ayaa qorshaha Trump ee Netanyahu uu taageeray ku sheegay guuldarro istiraatiijiyadeed oo Israel soo wajahday.

Wasiirka ayaa sheegay in xabad joojinta Gaza ay tahay fashil diblomaasiyadeed oo cad, isla-markaana ay ilmo ku dhammaan doonto, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Israel uu khaladkeeda ugu weyn yahay in masiiirka amnigeeda ay u gacan geliso ajaaniib, oo uu uga la jeedo Mareykanka iyo inay dabacsanaan ka muujiso himilooyinka qaranimada Falastiin.

Wasiirka ayaa ka digay xabad joojinta la doonayo in haatan laga sameeyo Marinka Gaza aanu macnaheedu ahayn dhammaadka dagaalka, laakiin sida uu yiri in mar kale ciidamadooda lagu khasbi doono inay ka dagaalamaan Gaza.

“Carruurteenna waxaa lagu khasbi doonnaa inay mar kale ka dagaalamaan Gaza.” Ayuu yiri Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel.

Smotrich ayaa sheegaya in in la maqlo cadaadiska caalamiga ah iyo in la qaato qorshaha Trump ee xabad joojinta Gaza, mustaqbalkana laga wada hadlo xalka laba dal oo deris ah ay taasi soo afjareyso siyaasaddii Israel ee lagu qabsanayay Gaza iyo in laga hortago dhismaha Dowlad Falastiini ah.

Smotrich oo madax ka ah xisbiga xagjirka ah ee National Union–Tkuma ee wax ka soo dhisay dowladda isbahaysiga ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa ku dhawaad labadii sano ee dagaalka uu socday u ololeynayay inaanan la joojin dagaalka, iyadoo aan Xamaas laga adkaan.

Smotrich ayaa laga yaabaa in uu carqaladeeyo qorshaha nabadda ee Trump, marka Raysal Wasaaruhu uu dhawaan horkeeno Golihiisa Wasiirada, si ay u ansixiyaan.

Smotrich ayaa ah nin saamayn badan ku leh siyaasadda Israel, marka aad eegto in xisbigiisa oo keliya uu sabab u noqon karo in dowladdu ay burburto.

Xisbiga Smotrich ayaa ah kan koowaad ay dowladdu ay taageeradiisa ku dhisan tahay, haddii uu isbahaysiga ka baxana waxay keenaysaa in dowladdu ay burburto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc