Home Wararka Caalamka Trump oo ugu dambayn afar maalmood u qabtay Xamaas, si ay uga soo jawaabto qorshaha xabad joojinta

Trump oo ugu dambayn afar maalmood u qabtay Xamaas, si ay uga soo jawaabto qorshaha xabad joojinta

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maanta sheegay in Ururka Xamaas uu siinayo saddex illaa afar maalmood, si ay uga soo jawaabaan qorshaha uu wato ee ku saabsan in xabad joojin laga sameeyo Marinka, lana sii daayo dhammaan maxaabiista Israeliyiinta iyo weliba qaabka uu mustaqbalka noqon doono Maamulka Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas ay tahay in muddadan ay kaga soo jawaabto hindisaha xabad joojinta Gaza, haddii kalena ay la kulmi doonaan cawaaaqibka ka dhalan kara.

Madaxweynaha oo Wariyeyaasha la hadlayay, mar uu ka sii baxayay Aqalka Cad ayaa sheegay in Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Israel ay aqbaleen qorshihiisa, waxaana sugaynaa oo keliya buu yiri Xamaas.

Trump ayaa ku hanjabay in haddii Xamaas ay diiddo qorshihiisa ay taasi keeni doonto sida uu yiri dhammaad murugo leh.

Mar la weydiiyay, haddii uu jiri doono wada hadal, si is faham loo gaaro ayuu ku jawaabay “Ma badna.”

Muddada uu Trump u qabtay Xamaas ayaa cadaadiska ku kordhineysa ururka reer Falastiin, oo saraakiishiisu ay bilaabeen inay dersadaan hindisaha 20-ka qodob ka kooban.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in Xamaas ay ballanqaadday in si masuuliyad ku jirto ay u derseyso qorshaha nabadda ee Trump.

Afhayeenka ayaa Saxaafadda u sheegay in goor hore ay noqoneyso in hadda laga hadlo jawaabaha, iyadoona warkiisa loo fasirtay in ay waqti siinayaan Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee rogrogaya qodobada hindisaha.

Qodobadan uu Trump soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in laga wareejiyo Maamulka Marinka Gaza, in Maamul KMG ah loo sameeyo, in aan la barakacin dadka reer Gaza, in dib u dhis lagu sameeyo Gaza, in 72 saac gudahood lagu sii daayo dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, in Israel ay sii deyn doonto 1,700 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 250 maxbuus oo xabsi daa’in ku xukuman, in xubnaha Xamaas la cafin doono, lana siin doono marin ammaan ah oo ay ku gaaraan dalalka qaabila iyo in dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ay sugi doonaan amniga Gaza, isla-markaana ay tababari doonaan ciidamo boolis ah oo Falastiin ay yeelaneyso, gargaarka oo ku qulquli doona Gaza, illaa heerar lagu heshiiyay iyo Mareykanka oo fududayn doona wada hadal dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israel, oo lagu gaarayo heshiis ay shacabka labada dhinac si nabad ugu wada noolaanayaan gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc