Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerar gantaal oo Isniintii lagu qaaday markab watay Calanka Netherlands, kaas oo ku gooshayay Gacanka Cadmeed.
Markabkan oo ahaa nooca xamuulka, laguna magacaabo Minervagracht ayaa ku gubtay Gacanka Cadmeed, ka gadaal markii lala helay gantaal.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree oo saqdii dhexe ee xalay ka soo muuqday Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in ay weerarka u adeegsadeen gantaal nooca cruise-ka ah.
“Hawlgalku wuxuu keenay in si toos ah loo beegsado markabka, kaas oo dab uu qabsaday, haddana halis ugu jira inuu quuso.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta.
Afhayeenka ayaa tibaaxay in weerarku uu ka dhacay meel ka fog Badda Cas, halkaas oo inta badan ay ku weeraraan maraakiibta ay la xiriiriyaan Dekedaha Israel. Bishii July ayayna ahayd markii Xuutiyiinta ay laba markab ku dejiyeen Badda Cas.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah shaqaalihii markabka, sida uu xaqiijiyay Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas ee lagu magacaabo Aspides.
Hawlgalka Aspides ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaarad helicopter ah ku daadgureeyeen sagaal iyo toban shaqaale, oo sida ay sheegeen la socday markabka.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Gacanka Cadmeed, muddo sanad ka badan.
General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in maamulka markabka ay la macaamilayeen Israel, taasoo jebineysa amarkii ay horey uga soo saareen inaanan lala macaamili karin Sahyuuniyadda amaba aan la tagi karin Dekedaha Falastiin ee la haysto, inta ay xaasuuqa ka gaysanayaan Marinka Gaza.
General Yahya Saree ayaa afka ku ballaariyay in weerarka ay ku gubeen markabka ganacsiga uu qayb ka yahay hawlgalada militari ee ay kaga jawaabayaan dembiyada xasuuqa iyo gaajeysiinta uu cadowgu ka wado sida uu yiri Gaza.
General Saree ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan hawlgalada uu sheegay inay ku beegsanayaan gaadiidka badda ee lala xiriiriyo Israel, si loo xaqiijiyo in maraakiibtu ay ka fogaadaan Dekedaha Falastiin ee sida uu yiri xoogga lagu haysto.
Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa noqday meel ay Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ku weeraraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku wajahan Dekedaha Israel amaba ku xadgudbay awaamiirtii ay kol hore ka soo saareen inaanan la tagi karin dekedahaasi, haddii kalena ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah.
Ururka reer Yemen ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay hadaf ka dhigtaan gaadiidka xamuulka badda, iyagoo ka dhiidhinaya duulaanka Israel ee Marinka Gaza, si ay Tel Aviv gacmaha u qabtaan, ugana joojiyaan dilka hooyooyinka iyo carruurta.