Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa caawa sheegay in Ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan inay xasuuq baahsan ka gaystaan Magaalada Gaza ee ku taala waqooyiga Marinka Gaza, isagoo tixraacaya warka ay Israel ku sheegtay in qof kasta oo ku hara Magaalada Gaza loo aqoonsan doono in uu yahay Xamaas iyo taageerahooda.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii sheegay in dadka degan magaaladaasi ay haystaan fursaddii ugu dambeysay ee ay uga bixi lahaayeen.
Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa cambaareeyay ku dhawaaqistaasi, isagoo ku tilmaamay calaamad fool xun, oo ah buu yiri in qof kasta oo aan ka bixi karin magaalada ay beegsan doonaan Militariga Israel.
Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in ku dhawaad 250,000 oo qof ay hadda ku xayiran yihiin Magaalada Gaza iyo qaybo ka mid ah waqooyiga Marinka Gaza, tanina uu macnaheedu yahay in Dowladda Israel ay dadkaasi u tixgelin doonto sida ay sheegtay buu yiri inay yihiin argagixiso ama taageereyaasha argagixisada.
“Warkan ay Dowladda Israel soo saartay wuxuu soo jeedinayaa in la gaysto xasuuq ballaaran oo la qorsheeyay. Waa in la dili doono haween badan, carruur, waayeelo iyo dadka nugul ee aan awoodin inay halkaasi ka guuraan.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda UNRWA.
Waxa kaloo uu yiri “Qofna leesan ama ruqsad uma haysto dilka dadka rayidka ah. Dembiyada caalamiga ah ee ka socda Gaza looma dulqaadan karo in ay sii socdaan.”
Philippe Lazzarini ayaa ka digay in waxqabad la’aanta Beesha Caalamka ay Israel siin doonto fursad kale oo xasuuq ay kaga gaysato Marinka Gaza, ka dib warbixintii Guddiga Baareyaasha ee Qaramada Midoobey ay bishii September ku sheegeen in Israel ay xasuuq ka gaysatay Gaza.
Mr. Lazzarini ayaa dunida ugu baaqay in la joogo waqtigii ficilka ee tallaabada la qaadi lahaa, si nafo badan loo badbaadiyo.
Dad fara-badan ayaa saacadihii u dambeeyay ka barakacay magaaada, iyaga oo aadaya dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa xaqiijiyay in dhowr boqol oo kun oo Falastiiniyiin ah ay weli ku sugan yihiin magaalada, isla-markaana ay u badan yihiin dad aad u jilicsan.
Israel ayaa la sheegay in gargaarka bani’aadantinimo ay ka jartay magaalada toddobaadyo ka hor, inta aysan bilaabin duulaanka ballaaran ee cirka iyo dhulkaba leh ee ay sida ay sheegtay ku qarameynayso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Khamiistan sheegtay in ugu yaraan 167,000 oo dhaawac ah laga diiwaangeliyay Marinka Gaza. WHO ayaa sheegtay in dadkan ay dhaawacmeen muddada uu socdo dagaalka Gaza.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ayaa si buuxda ugu eedeeyay Israel in aysan ilaalineyn dadka rayidka ah.