Dowladda Masar ayaa martigelineysa shir looga hadlayo hirgelinta qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee ku saabsan in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, isla-markaana si buuxda loo soo afjaro dagaalka Israel iyo Xamaas. Shirka ayaa maanta ka furmaya Magaalada Sharm El-Sheikh.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa aqbalay qorshaha uu Madaxweynaha Mareykanka uu soo jeediyay ee lagu dhameynayo dagaalka, iyagoona wejiga hore ballanqaaday inay sii deyn doonaan dhammaanba maxaabiista nool, kuwa dhintayna ay meydadkooda wareeejin doonaan. Israel oo ka sii horreysay ayaa iyaduna aqbashay soo jeedinta Trump.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in shirka ka dhacaya magaalada Badda Cas ku taala ee Sharm El-Sheikh uu yahay wada hadal lagu wada hadashiinayo Israel iyo Xamaas, si ay ugu heshiiyaan waqtiga xabad joojinta iyo wejiyada ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Marinka Gaza, iyadoona wada hadalka illaa iyo hadda uu si toos ah u khuseeyo marxaladda koowaad ee heshiiska.
Wafdiga Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray dalkaasi, iyadoo uu hoggaaminayo Khalil Al Hayya, oo la rumeysan yahay in uu yahay Madaxa Xamaas.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay wada hadalka aan tooska ahayn ku meteli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Ron Dermer, oo ah Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiyadda.
Steve Witkoff, Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddoga u yahay Trump ayaa sidoo kale la filayaa in ay ku biiraan wada hadalka.
Dunida ayaa soo dhaweysay hindisaha Trump ee horseedaya in la soo afjaro dagaalka labada sano uu u buuxsamayo ee ka socdo Gaza.