Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo geba-gabeeyay booqashadii uu Axaddii ku tegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Kismaayo u tegay, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in wada hadalo aan loo kala kicin ay shalay galab illaa xalay labada dhinac ku lahaayeen magaalada, isla-markaana aan wax natiijo ahi laga gaarin, sababo ku aaddan danaha is diidan ee labada dhinac.
Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ka dalbaday in si shuruud la’aan ah uu ugu soo laabto Shirka Golaha Wadaatashiga Qaran, isagoo ka tanaasulaya doorashadii dadbaneyd ee bishii November lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland ee iyana markii saddexaad u soo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.
Villa Somalia ayaa weli riixeysa in la mideeyo Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, si dadweynuhu ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa. Dowladda Federaalka ayaa doorasho aan sharci ahayn u aragto middii ka dhacday Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa dhankiisa ku gorgortamaya in uu diyaar u yahay wadashaqaynta Dowladda Federaalka, balse aanu ka tanaasuli karin xaqa uu Jubbaland dastuurka u siinayo in ay u madaxbannaan tahay maamulka doorashooyinkeeda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Madoobe uu Madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay in Jubbaland ay ka taageeri doonto in mar kale uu soo laabto doorashada sanadka 2026, waa haddii Dowladda Federaalka ay aqoonsaneyso madaxtinimadiisa Jubbaland, isla-markaana laga laabanayo warqaddii soo qabashada ahayd ee isaga lagu soo xirayay, dibna Jubbaland loogu bilaabayo dhaqaalihii laga xanibay.
Sarkaal ka tirsan xafiiska ugu sarreya ee dalka ayaa Universaltv u sheegay in Madaxweynaha Qaranka ay u cuntami weysay shuruudaha Axmed Madoobe, maadaama ay carqaladeynayso qorshaha qaran ee tobanaan sano ka dib dalka lagaga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.
Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa xusay in dhowr jeer la isugu soo laalaabtay wada hadalka, isla-markaana wax la taaban karo aanu ka soo bixin.
Villa Somali ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in horumar laga sameeyay wejiga koowaad ee wada hadalka iyo in lagu ballamay in wadatashiyadu ay sii socdaan, dibna la isugu soo noqdo, si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wada hadalka. Warsaxaafadeedka laguma sheegin goorta la isugu imanayo wada hadalada dambe.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka fekereyso laba qodob oo xasaasi ah, oo kala ah in la sameeyo Jubbaland oo aan ahayn midda uu fadhigeedu yahay Kismaayo oo dowladdu ay aqoonsan tahay, haddii ay taasi dhici weysana in la aqbalo shuruudaha Axmed Madoobe.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan si naba uga tagi karin Jubbaland, sababtoo ah waxay ahmiyad u leedahay doorashada madaxtinimada dalka ee sanadka soo socda la filayo in Somaliya ay ka qabsoomto, ha yeeshee ay dhibaato ka haysato waddadii ay u mari lahayd xallinta calaamadaha isku dhufan ee horgudban, si Beesha Caalamka ay taageero maaliyadeed ugu bixiso doorashadaasi.
Beesha Caalamka ayaan taageeri doonin in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.
Inkasta oo Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ay ka soo horjeedaan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada, iyagoo diidan wax ka bedelka lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, haddana Madaxda Qaranka ayaa aaminsan in arrintaasi si uun looga heshiin doono.
Sababta ugu weyn ee Dowladda Federaalka u daneynayso Jubbaland ayaa ah inaanu dheelin miisaanka, iyadoona ku xisaabtameysa taageerada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, taasoo ay u dheer tahay xisaabta ay isku dhufsaneyso ee dhinaca maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee ka dhisan Laascaanood.
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa waxaa suurtagal ah in markii ugu horreysay lagu soo doorto Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.