Wada hadalka aan tooska ahayn ee Xamaas iyo Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta ka bilowday magaalada loo dalxiiska tago ee Sharm El-Sheikh.
Shirka ay martida gelineyso Dowladda Masar ayaa looga gol leeyahay in lagu heshiiyo qaabka loo dhaqangelinayo wejiga koowaad ee hindisaha Madaxweyne Donald Trump ee xabad joojinta Gaza.
Wafdiga Xamaas oo uu hoggaaminayo Khalil Al Hayya iyo kan Israel oo uu horkacayo Ron Dermer ayaa ku wada sugan magaalada ku taala Badda Cas.
Qorshaha ayaa ah in Xamaas ay wejiga koowaad sii deyso dhammaanba maxaabiista Israeliyiinta ee nool, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwa dhintay, si Israel ay u joojiso dagaalka, isla-markaana ay u sii deyso qaar badan oo ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.
Wejiga koowaad ayaa sidoo kale lagu abuurayaa is faham ay tahay in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo ka mid ah Marinka Gaza.
Wufuudda labada dhinac ayaan si toos ah isku horfariisaneynin, balse Saraakiisha Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu gadaal ka taagan yahay ayaa u kala warinaya midba midka kale, sida uu u arko waqtiga la bilaabi karo xabad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddoga u yahay Trump ayaa ka mid ah masuuliyiinta ku sugan goobta ee lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada, si meel dhexe la isugu yimaado.
Witkoff iyo Kushner ayaa u jooga magaaladan, si ay culeys ugu saaraan Israel in ay ka tanaasusho meelaha ay ku dhegto ee loo arko in ay wiiqi karaan dadaalada socda.
Wararka ayaa sheegaya in shirku uu dhowr cisho qaadan karo, iyadoo la riixayo in is afgarad laga sameeyo wejiyada kale ee qorshaha Aqalka Cad ee nabadeynta Gaza.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa qof kasta oo ku lug leh dadaalada socda ku booriyay in arrintan si degdeg ah loo dhameystiro.
Madaxweyne Trump ayaa rajo ka muujiyay in toddobaadkan la sii deyn doono maxaabiista la qorsheynayo in la is dhaafsado.
Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt oo goor dhow Warbaahinta kula hadashay Aqalka Cad ayaa sheegtay in dhinacyadu ay illaa iyo hadda muujiyeen inay daneynayaan in la soo afjaro dagaalkan.
Karoline Leavitt ayaa Israel iyo Xamaas xusuusisay in Madaxweyne Trump uu doonayo in si dhakhso ahi xalka loo gaaro.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka ciyaaraan arrintan, iyagoo kala wareejinaya maxaabiista.
Xamaas ayaa maxaabiista ay sii deyso ku wareejiso Shaqaalaha Laanqeyrta Cas oo geeya xuduudaha Israel, halkaas oo ay kula wareegaan Militariga Israel. Sidoo kale maxaabiista laga sii daayo xabsiyada Israel ayaa lagu wareejiyaa isla shaqaalahan, ka hor inta aysan dadkaasi dib ula midoobin qoysaskooda.
Trump ayaa 29-kii bishii September soo bandhigay qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu dhameynayo dagaalka Gaza, isla-markaana ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Israel, xabad joojinta Gaza, hub ka dhigista Xamaas iyo in laga wareejiyo maamulka Gaza. Xamaas ayaa aqbashay qodobada qaarkood, halka kuwa kalena ay sheegtay in loo baahan yahay in laga wada-xaajoodo.