Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed “Wixii ka dhacay Godka Jilicow inay nagu dhacaan, maxaa diidayo”

Shariif Sheekh Axmed “Wixii ka dhacay Godka Jilicow inay nagu dhacaan, maxaa diidayo”

by Laacib

Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ayaa ka horyimid warka Jimcihii ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee uu ku sheegayay in ay mamnuuc tahay in gaadiidka dagaalka iyo hubka culus lagu dhex qaato Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay in dalka ay ka jirto baahi amni, isla-markaana ay hubka u haystaan in ay nafsaddooda ku difaacaan.

Waxa uu sheegay in ay yihiin dad masuuliyiin ah oo horey ula soo dagaalamay maleeshiyada Al Shabaab, meel walbana lagu raadsanayo.

“Annaga dad waaweynaa nahay, colaad badanaa noo taala, Shabaabaa la soo dirirnay, kuwo badan oo tuugo ah oo dowladda ka mid ah ayaa dhib nagu hayo, waad ogtihiin annagoo iska soconaa na la xabadeeyay. Maxaan ku aaminaynaa in amnigeenna uu sugan yahay oo hubka aan ku dhigaynaa.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka.

“Waxa ka dhacay Godka Jilicow, aad iyo aad ayaan uga xumahay, waana ka tacsiyaynaa inay nagu dhacaan, maxaa diidaayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta oo xalay ka hadlayay kulan lagu taageerayay in la qabto bannaanbax lagaga soo horjeedo dhul boobka laga cabanayo ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo uu yiri “Ujeedada annaga hubka aan u haysano waxaa waaye difaaceenna nafsiga ah. Madaxtooyo ayaan ku tagi jirnay, weligeenna qof kuma dhibin, isbitaaladaa ku tagnaa, na lagama soo sheegan, jidadkaa ku marnaa, na lagama soo sheegan, Baarlamaankaa ku tagnaa, na lagama soo sheegan. Maxaa mushkilo ah oo na lagu haystaa.”

Shariif Shariif Axmed ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan u qaadanay ama dowladdaa ku dileyso ama Shabaabaa ku dilayo. Marka haddayba dhimasho tahay, dhimasho waxba iskuma kay dhaanto.”

Wasaaradda Amniga ayaa Axaddii hay’adaha ammaanka fartay in ay dhaqangeliyaan xeerka xakameynta hubka ee horey looga soo saaray in lagu xaqiijiyo nabadgelyada Muqdisho.

Inkasta oo muddooyinkan uu ka soo reynayay amniga Muqdisho, haddana weerarkii ay Shabaabku Sabtidii ku galeen Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda ayaa muujiyay in dowladdu aysan weli gacan bir ahi ku qaban amniga Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc